Pep Guardiola Wuu Ka Tagi Doonaa Manchester City, Jurgen Klopp-na Waxa Uu Waayi Doonaa Mohamed Salah Markaas Ayay Man United ……

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa bixiyay saadaalin cajiib ah oo ka dhici doonta kooxaha ugu waaweyn Premier League xilli ciyaareedyada soo socda iyo sida ay wax noqon karaan.

Neville oo kamid halyeeyada haatan doorka saxafinimo ku shaqeeya ayaa saadaaliyay in kooxdiisii hore ay kusoo laaban doonto tartanka Premier League marka ay kooxaha xifaaltanka ugu weyn le lehi ay waayaan xubno muhiim ah.

Daafacii hore ee England ayaa aaminsan in si ay ahaatana uu Pep Guardiola ka baxayo Manchester City xilli ciyaareedyada soo socda sidoo kalena ay macquul tahay in Liverpool iyo tababare Jurgen Klopp ay waayaan hoggaamiye Mohamed Salah.

Neville oo Sky Sports u warramayay kaddib guushii weyneyd ee 4-0 ka ahayd ee ay Man United ka gaadhay Chelsea ayaa sheegay in Man United ay go’aamada saxda ah samayso, In mudo ah samirto kaddibna ay dhismaheeda talaabo talaabo u samayso.

Gary ayaa hadalkiisa ku bilawday “Manchester United waa inay isku dhisto kaabad ka kaabad oo ay sugto (Inta ay ka tartamayso) wax yar”

“Waa xaalad ay Manchester United dhawr saxeex ku heli karto January kaddibna laba ama saddex saxeex xagaaga dambe oo ay si qunyar ah u dhisaan waxa ay doonayaan waxaas oo ah koox ciyaartoy ah oo doonaya inay kooxda joogaan oo ah kuwo ay ka go’antahay ahna kuwo dhiiro-gashan oo leh tayada loogu loolamo horyaalka”

“Marnaba aad uma foga, Pep Guardiola waxa uu ka tagi doonaa Manchester City dhawrka xilli ciyaareed ee soo socda, Jurgen Klopp waxa laga yaabaa inuu waayo Mohamed Salah ama ciyaartoy kale oo fure ah kaddibna gabi ahaanba waa inaad si dhakhso ah diyaar u noqoto inaad gasho oo aad tartanto”