Pep Guardiola Oo Warkii Uu Sugayay Ka Helay Dhaawaca Leroy Sane & Haddii Uu Kasoo Gaadhayo Kulanka Champions League Ee Real Madrid.

Advertisements

Kooxda Manchester City iyo macalinkeeda Pep Guardiola ayaa ah kuwo war wanaagsan ka helaya xaalada dhaawac ee garabka kooxdaas ee Leroy Sane oo uu dhaawac xumi ka gaadhay kahor bilaabashadii xilli ciyaareedkan 2019-20.

Sane ayuu dhaawac ku gaadhay kulankii ay kooxdiisa tartanka Community Sheild kaga guuleysatay Liverpool ee toddobaadkii ka horreeyay bilaabshada Premier League.

24 sano jirkan ayaa haatan u muuqda mid soo kabtay isaga oo qaadanaya tababar gaar ah isla markaana kubadda ku shaqaynaya waxaana la filayaa inuu tababarka buuxa ee kooxdiisa kusoo laaban doono dhammaadka bishan.

Walow aan taariikh rasmi ah loo qoondaynin soo laabashada xiddiga ree Germany haddana wargeyska Mirror ayaa sheegaya inuu soo laaban karo kulanka ay Tottenham la yeelanyso kooxdiisa ee 2-da bisha Febraury.

Laakiin taariikhda ay u badan tahay inuu sida kama dambaysta ah usoo laabto ayaa ah kulanka Leicester City ee 22-ka bishaas February kaddib laba toddobaad oo fasax laga ahaan doono kubadda heer kooxeed.

Advertisements

Si kastaba ha ahaatee, City iyo Guardiola ayaa rajaynaya inay Sane haystaan kulanka UEFA Champions League ee aadka muhiimka ugu ah ee ay Real Madrid la yeelan doonaan 26-ka Febraury.

Advertisements