Pep Guardiola Oo Si Xoogan U Amaanay Qaab Ciyaareedka Saddex Ka Mid Ah Xidigaha Kooxdiisa Inkastoo Ay Guuldaro Kala Kulmeen Kulankii Shakhtar Donetsk.

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay inaysan jirin wax niyadjab ah kadib guuldaradii 2-1 ay kooxdiisa kala kulantay kooxda Shakhtar Donetsk kulankii xalay ay kuwada ciyaareen tartanka Champions League-ga. Waxayna guuldaradan soo afjartay kulamadii xidhiidhka ahaa ee kooxda reer England ay ka fogaatay guuldaro la’aanta.

Kadib marka uu kulanka soo idlaaday macalinka ree Spain ee Pep Guardiola ayaa si xoogan ugu amaanay qaab ciyaareedka xidigaha kala ah Phil Foden, Tosin Adarabioyo iyo Brahim Díaz.

Guardiola ayaa kulanka kadib u sheegay saxaafada: “Waxaan u nimid halkan sida aan guul kaga gaadhi laheen Shakhtar Donetsk, laakiin ma aanan sameyn, balse isku daygeena ayaa joogta ahaa ilaa iyo dhamaadka ciyaarta, laakiin si walboo ay natiijadu ahaato aad ayaan ugu faraxsanahay qaab ciyaareedka cajiibka ah ay soo bandhigeen ciyaartoyda kooxda Man City”.

Macalinka kooxda Man City ayaa kadib intaa sii gudi galay ka hadalka kulanka Manchester Derby wuxuuna yidhi: “Waxaan qaadan doonaa nasiino yar, kadibna waxaan bilaawi doonaa tababarka aan ugu diyaar garoobi doono kulanka xiisaha badan ee aan booqan doono Manchester United”.

Ugu dambeyn macalinka ree Spain ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusoo xidhay: “Waxaa laga yaabaa in maanta ay inoo wanaagsan tahay, laakiin bisha Febraayo waxqabadka ayaa noqon doona mid culus oo aad u adag waxaana suuragal ah in nasiibku uusan dhankeenu ahaanin, sababa la xidhiidha in kooxaha qaar ay yihiin kuwo aad u xoogan, laakiin waxaan isku dayi doonaa inaan la nimaadno natiijooyin aad u wanaagsan”.