Pep Guardiola Oo Rajeenaya In Tartanka Champions League Ay Kuwada Ciyaaraan Xili Ciyaareedka Cusub Mid Ka Mid Ah Kooxaha Uu Soo Maamulay.

Macalinka kooxda Manchester City ee reer Spain Pep Guardiola ayaa si weyn u rajeenaya in xili ciyaareedka cusub ay kuwada ciyaaraan tartanka Champions League mid ka mid ah kooxaha uu soo leeliyay.

Pep Guardiola ayaa kahor kulanka ay kooxda Bayern Munich kula ciyaari doonaan koobka International Champions Cup sheegay inuu doonayo in xili ciyaareedka soo aadan ay markale isku arkaan tartanka Champions League: “Waxaan rajeenayaa in kooxda Bavarian-ka aan kuwada ciyaarno Champions League”.

Macalinka reer Spain ayaa wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Waxaan ku leeyahay saaxiibo badan kooxda Bayern Munich, waxay ii aheyd qibrad weyn aniga iyo qoyskeyga, waxaan rajeynayaa inaan la kulmo saaxiibo badan berito, shaki kuma jiro inay xilli ciyaareed fiican qaadan doonaan”.

Guardiola ayaa sidoo kale sheegay: “Inta badan ciyaartoyda ayaa soo laaban doona isbuuca soo socda si ay qeyb kaga noqdaan tababarka Manchester, waxaan fursad u heysanaa 4 ama 5 maalmood si aan ugu diyaar garowno kulanka Chelsea, qaar ka mid ah ayaa soo laaban doona ciyaarta kadib”.

Pep ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Dabeecada ciyaaryahanka waa waxa ugu muhiimsan, marka aad fiirineyso heshiisyada, dabcan tayada ciyaaryahanka waa muhiim laakiin waxaan jeclahay inaan la shaqeeyo dabeecada wanaagsan, waan necbahay inaan la shaqeeyo shaqsiyaadka si xushmad leh aanan u dhaqmin”.

Waxaa xusid mudan in macalinka reer Spain ee Pep Guardiola uu tababare kasoo noqday kooxda Bayern Munich, laakiin wuxuu ku fashilmay inuu ku hogaamiyo ku guuleysiga koobka Champions League mudada uu ku sugnaa.