Pep Guardiola Oo La Barbar Dhigay Kyle Walker Halyayga Kooxda Bayern Munich & Xulka Qaranka Germany Ee Philipp Lahm.

Macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa la barbar dhigay xidiga Sky Blues ee Kyle Walker oo qaab ciyaareed cajiib ah sameenaya xili xili ciyaareedkan halyayga reer Germany iyo kooxda Bayern Munich ee Philipp Lahm.

Tababaraha xulka England England ee Gareth Southgate ayaa ku tiirsanaaday adeega laacibka kooxda Manchester City Kyle Walker, kadib markii uu adeegsaday shaxda ah 3-5-2 inta lagudi jiray kulankii isbuucii hore ay la ciyaareen dhigooda Holland.

Macalinka reer Spain ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inay jirto meelo qaar ee ku saleesan qaab ciyaareedkiisa uu kaga shabaho difaaca kooxdiisa Manchester City Kyle Walker halyayga Bayern Munich ee Philipp Lahm.

Guardiola oo ka hadlayay qaab ciyaareedka Kyle Walker ayaa wuxuu yidhi: “Kyle Walker wuxuu leeyahay awood iyo xawaare xoogan uu kaga ciyaari karo laba boos, kaliya maahan difaac garabka ka ciyaara, ee wuxuu qeyb ka noqon karaa qosrho ciyaareedka ku saleesan saddexda difaaca ee dambe”.

Macalinka reer Spain ayaa hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Walker wuxuu leeyahay awood xoogan iyo xawaare, wuxuuna sameyn karaa baasaska gaaban iyo kuwa dhaa dheerba, waana midaan ku shaqeyn karno, si joogta ah ayaana u sheekeysanaa”.

“Mar walba marka aad iibsato ciyaaryahan, waxaad u maleyneysaa inuu sameyn karo waxyaabo badan, laakiin ma awoodid inaad xakameyso, marka laga reebo marka aad aragto inuu tababarka sameenayo in ka badan hal jeer”

Pep Guardiola  ayaa wuxuu hadalkiisa intaa “Philip Lam, wuxuu ka ciyaari jiray boosas kala duwan oo isla markiiba la qabsan karo, waxay qaab ciyaareedka ka wada siman yihiin Kyle Walker”