Pep Guardiola Oo Go’aan Ka Gaadhay Saxeexa Daafaca Leicester City Ee Harry Maguire – Miyuu Tartankiisa Uga Hadhayaa Man United?

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa go’aan ka qaatay saxeexa daafaca dhexe ee Leicester City ee Harry Maguire kaas oo ay saxeexiisa kula tartamayeen kooxda ay deriska yihiin ee Man United.

City ayaa suuqa xagaagan ka dhex raadinaysa daafac dhexe oo soo xoojiya safkii kooxdeeda ee labada xilli ciyaareed ee xidhiidhka ah kusoo guuleystay Premier League isla markaana buuxiya booska uu baneeyay kabtan Vincent Kompany.

Dhinaca kale Manchester United oo xilli ciyaareedkii hore kasoo mid ahayd kooxaha goolasha ugu badan laga soo dhaliyay Premier League ayaa dhinaceeda Maguire u doonaysay inuu u buuxiyo gal-daloolooyinka daafaceeda.

Leicester City ayaa la aaminsan yahay inay Maguire ku doonayso lacag rekoodhka daafaca aduunka ugu qaalisan ka dhigta taas oo la micno ah in ka badan 80 Milyan si uu uga sarre maro Virgil Van Dijk oo 18 bilood kahor 75 Milyan ugu biiray Liverpool.

Si kastaba, Sida haatan laga soo dheegtay wargeyska Manchester Evening News Manchester City iyo Pep Guardiola ayaa go’aan ku gaadhay inay iskaga leexdaan saxeexa Maguire haddiiba uu qiimahiisu sidaas yahay.

Guardiola ayaa 26 jirkan u ogolaanaya inuu u wareego Man United waxaana uu doorbidayaa inaysan wax daafac ahba la saxeexan halkii ay lacag ka badbadis ah ku bixin lahaayeen Maguire.

Man United ayaa dhawaan isku dayday inay City kaga horreyso saxeexa Harry kaddib markii ay dalab 70 Milyan ah miiska u saareen kooxdiisa Leicester balse kooxda King Power Stadium ayaa iska soo diiday dalabkaas.

Haddiiba ay Man United ku adkaysato bixinta lacag kasta oo Maguire loogu qiimeeyo ayuu xiddigani noqon doonaa midkii saddexaad ee ay Sky Blues ku garaaceen sanado gudahood kaddib Alexis Sanchez iyo Fred.