Pep Guardiola Oo Arin Qariib Ah Sabab Uga Dhigay In Riyad Mahrez Ayna Dhaawacyo Soo Gaadhin.

Advertisements

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa arin qariib ah ku sababeeyay in ayna dhaawacyo soo gaadhin xidiga kooxdiisa ee Riyad Mahrez.

Pep Guardiola ayaa ku dooday in sababta dhabta ah ee aanu dhaawac u soo gaadhin xidiga reer Algeria ee Riyad Mahrez in ay tahay in aanu wax muruqyo ah ku lahayn lugihiisa.

Riyad Mahrez ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo jiray kulamadii ugu danbeeyay isaga oo waliba laba gool ka soo dhaliyay kulankii ay City xaquusa u gaysatay kooxda Aston Villa.

Dhinaca kale Guardiola ayaa ka hadlay sababta uu xili ciyaareedkan fursad badan u helay Riyad Mahrez kaas oo inta badan xili ciyaareedkii hore kursiga kaydka ku soo qaatay.

Guardiola oo ka hadlaya sababta uu Riyad Mahrez fursad badan u helay xili ciyaareedkan ayaa yidhi: “Farqiga u dhexeeya xili ciyaareedkii hore iyo xili ciyaareedkani waa in isagu uu daqiiqado badan ciyaaray, sababto ah tababaraha ayaa isaga naxariis badan u leh”.

“Sidoo kale waxaa fiican heerkii uu xili ciyaareedkii hore ku soo ciyaaray, waxa uu isagu jecel yahay kubbada cagta” ayuu Guardiola hadalkiisa raaciyay.

Laakiin Guardiola oo si qariib ah u sharaxaya dhaawac la’aanta Riyad Mahrez ayaa yidhi: “Waad aragtay lugihiisa, waa wax aan macquul ahayn in uu dhaawacmo, sababto ah isagu wax muruqyo ah ma laha, markastaba waxaan leeyahay dareenka ah in uu gool dhalinayo”.

Advertisements

Riyad Mahrez ayaa xili ciyaareed fiican ugu raaxaysanaya Manchester City wuxuuna u muuqdaa mid si buuxda u helay kalsoonida Guardiola oo aan xili ciyaareedkii hore in badan soo xulan.

Advertisements