Pep Guardiola Oo Aan Liverpool Kaliya Cadaw Ugu Ahayn Horyaalka Balse Sidoo Kale Si Cadaan Ah U Sheegay Inuu Caawa Yahay Taageero Weyn Oo Bayern Munich Ah.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xifaaltanka uu Liverpool kula jiro dhaafsiiyay koobabka maxaliga ah isla markaana sheegay inuu caawa taageeri doono kooxda ay Reds is hayaan ee Bayern Munich.

Guardiola ayaan doonayn inay kooxaha ree England qabsadaan afar boos oo kamid ah boosaska wareeega siddeed dhammaadka Champions League isaga oo doonaya inay ugu yaraan Liverpool hadho oo ay saddexda kooxood ee haatan is xaadiriyay ka qayb qaataan.

City ayaa xalay si weyn ugu soo baxday wareega siddeeda kaddib markii ay 7-0 ku jiidheen kooxda isla horyaalka Germany ka socotay ee Schalke 04 waxaana ay ku guuleysteen goolal wadar ahaaneed oo 10-2 ah.

Guardiola ayaa sheegay inuu qayb ka yahay Bayern Munich oo uu sanado wacan kusoo qaatay kahor Man City isaga oo dhinaca kale raaligelin siiyay dadka ree England maadaama oo uu Bayern la jiro.

Tababare Pep ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waan ka xumahay dadka ree England, Waxaan doonayaa inay Bayern gudubto”

“Qayb ayaan ka ahay kooxdan, Waxaan kusoo qaatay saddex sano oo cajiib ah, Waan jecelahay magaalada Munich waxaanan halkaas ku leeyahay saaxiiboo badan”

“Waa kulan dalabeed labada dhinacba ah laakiin waxaan dareemayaa inaan jecelahay Bayern waxaanan ku rajo weynahay inay gudbi karaan”

“Marka loo eego waxa ku dhacay kooxaha Spanish-ka ah iyo kooxaha Germany  oo yimid in badan Final-ka xilli ciyaareedkani waa mid layaab leh”

Dhinaca kale, Guardiola ayaa sheegay inuu sidoo kale taageerayo kooxdiisii hore ee Barcelona oo wajahaysa Lyon isla markaana uu rajaynayo inay dhaafaan kooxda ree France.

“Waxaan ku rajo weynahay Barcelona berrito (Maanta) inay gudbi karaan oo ay gaadhaan siddeed dhammaadka Kubadda cagta England way u fiicantahay inay saddex kooxood u joogaan siddeed dhammaadka iyo malaha Liverpool”