Pelé Oo Ku Taageeray Ronaldo Go’aankii Uu Ugu Dhaqaaqay Kooxda Juventus, Isagoo Dhinaca Kale Tilmaamay In Geesiyaasha Aysan Marna Ka Daalin Dhibaatooyinka Cusub.

Halyayga reer Brazil ee Edson Arantes do Nascimento Pelé ayaa ka hadlay in Cristiano Ronaldo uu qaatay go’aan sax ah si u ug ciyaaro kooxda reer Talyaani ee Juventus, si uu u tijaabiyo loolan cusub kadib ka tagistiisa Real Madrid, wuxuuna tilmaamay in geesigu uusan marna ka daalin loolanka cusub.

Kooxda reer Talyaani ee Juventus ayaa ku guuleysatay ugu dambeyn inay gacanta ku dhigto saxiixa Cristiano Ronaldo oo haatan da’adiisu tahay 33 jir, kadib markii ay shalay si rasmi ah loo xaqiijiyay, wuxuuna kaga soo dhaqaaqay kooxda Real Madrid u kusoo sugnaa mudo dhan 9 sano.

Cristiano Ronaldo ayaa ugu wareegay kooxda reer Talyaani ee Bianconeri qiimo dhan 100-million-euro, wuxuuna qalinka ku duugi doonaa heshiis ilaa iyo 2022, isla markaana uu sanadkii ku qaadan doono aduun dhan 30 million euros.

Hadaba Pelé ayaa bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ugu hambalyeeyay Cristiano Ronaldo kadib markii uu ku biiray kooxda Juventus wuxuuna yidhi: “Hambalyo Ronaldo, aad ayay iigu adkayd inaan ka tago kooxdeyda Santos waqti dheer kadib, laakiin waxbaan ka bartay, sababtoo ah waxaan qaatay go’aanka saxda ah”

Mucjisada kubada cagta ee Pele ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Geesiyaasha maaha kuwo ku daala dhibaatooyinka cusub”.

Si kastaba Cristiano Ronaldo ayaa xusid mudan in la qorsheenayo in maalmaha soo aadan loo soo bandhigo jamaahiirta kooxda Juventus, kadib markii ay Bianconeri ku guuleesatay inay la saxiixato xidiga ugu wanaagsan dunida.