Pedro Rodriguez Oo Tilmaamay Difaaca Kaliya Ee Virgil van Dijk La Barbar Dhigi Karo-Miyuu Difaacaasi Premier League Ka Ciyaaraa?

Xidiga xulka qaranka Spain iyo kooxda Chelsea ee Pedro Rodriguez ayaa si wayn u amaanay qalbi difaaca kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ka hor finalka UEFA Super Cup ee ay habeen danbe kooxaha Liverpool iyo Chelsea iskaga hor iman doonaan.

Virgil van Dijk ayaa tan iyo markii uu Liverpool soo gaadhay waxa uu ka mid noqday difaacyada dhexe ee caalamka ugu fiican wuxuuna Pedro sheegay in hal difaac oo kaliya ay Van Dijka isku heer yihiin.

Pedro Rodriguez oo hadlayay ka hor finalka UEFA Super Cup ee ay Virgil van Dijk iskaga hor iman doonaan ayaa sheegay in Sergio Ramos yahay difaaca dhexe ee kaliya ee ay Van Dijk isku midka yihiin.

Pedro Rodriguez oo la waydiiyay in uu isbar bar dhigo saaxiibkiisa xulka Spain ee Sergio Ramos iyo Van Dijk ayaa yidhi: ” Waa difaacyo dhexe oo fiican, waqti xaadirkan, labadoodaasi waa ciyaartoyda ugu sareeya. Waa laba ciyaartoy oo waa wayn”.

“Sergio Ramos ayaad ayuu u fiican yahay, isaga si fiican ayaan u garanayaa. Waa difaac dhexe oo kubbada ku fiican, waa baas bixiye fiican sidoo kale waa difaac fiican” ayuu Pedro hadalkiisa raaciyay.

Pedro Rodriguez oo Van Dijk ka hadlaya ayaa yidhi: “Isagu waqti fiican ayuu ku jiraa, xili ciyaareedkii hore Van Dijk waxa uu soo qaatay xili ciyaareed aad u fiican, waxa uu ku soo guulaystay Champions League, wuxuuna ahaa ciyaartoyga horyaalka ugu fiicnaa. Isagu waa difaac fiican.

“Van Dijk sidoo kale waa la mid (Ramos), aad ayuu u xoogan yaahay, aad ayuu hawada ugu fiican yahay, baas bixinta ayuu ku fiican yahay sidoo kale goolal ayuu dhaliyaa” ayuu Pedro hadalkiisa sii ku daray.

Pedro oo la filayo in uu markale shaxda Lampard ku soo bilaaban doono ayaa Van Dijk iyo kooxdiisa Liverpool habeen danbe kaga hor iman doona finalka UEFA Super Cup ee dalka Turkey ka qabsoomi doona.