Paulo Dybala Oo Ka Hadlay Kooxda Uu U Arko In Xagaagan Ay Ka Fiican Tahay Muruq Weenayaasha Reer Spain Barcelona Iyo Real Madrid.

Da’ayarka ree Argantina iyo kooxda Juventus Paulo Dybala ayaa wuxuu kadib mudo labo xili ciyaareed uu ku qaatay kooxda Bianconeri ee dalka Talyaaniga go’aansaday inuu tijaabiyo tartan cusub, si uu kaga dhaqaaqo kooxda uu hogaamiyo Massimiliano Allegri mustaqbalka dhaw ee soo aadan.

Sida ay baahinayaan saxaafada dalka Spain xidiga ree Arganita Paulo Dybala ayaa wuxuu si xoogan u xiiseenayaa mustaqbalka dhaw la shaqeynta macalinka ree Spain iyo kooxda Manchester City Pep Guardiola, taasoo ka dhigeysa inuu si xoogan u xiiseenayo xidhashada maaliyada Sky Blues.

Wargeyska caanka ah ee ree Spain “Don Balón” ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in weeraryahanka ree Argantina Paulo Dybala ayaa wuxuu doonayaa in kadib mudo labo xili ciyaareed uu saarnaa tariinkii Bianconeri uu isaga hadho.

23 jirkan ayaa waxaa lala xidhiidhinayay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay kooxaha ugu awooda badan horyaalka La Liga ee dalka Spain  Real Madrid iyo Barcelona, kadib markii uu soo jiitay bandhiga wanaagsan uu ka sameenayo  kooxda Juventus.

Laakiin Paulo Dybala ayaa wuxuu u muuqda mid ka door bidaya halkii uu kaga dhaqaaqi lahaa Real Madrid iyo Barcelona kooxda ree England ee Manchester City uu hogaaminayo Pep Guardiola, maadaama uu la dhacsan yahay qaab ciyaareedka wanaagsan ay Skye Blues xili ciyaareedkan ka sameeneyso horyaalka Premier League-ga.

Si kastaba Paulo Dybala ayaa xili ciyaareedkan 17 kulan uu kasoo muuqday shaxda macalinka ree talyaani ee Massimiliano Allegri, wuxuu ku dhaliyay 13 gool, tasoo ka dhigeysa inay tahay bilaawashadiisii ugu fiicneed ee dhanka goolasha tan iyo markii uu soo caga dhigtay kooxda Bianconeri.

 

 

Comments

comments