Paulo Dybala Oo Juventus Uga Baxaya Si Uu Uga Xoroobo Hooska Cristiano Ronaldo & AFAR Kooxood Oo Ku Tartamaya Saxeexiisa.

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Paolo Dybala ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu iskaga hayaamo kooxdiisa iyadoo ay haatan saxeexiisa doonayaan afarta kooxood ee kala ah Man United, Atletico Madrid, Bayern Munich iyo PSG sida uu sheegayo wargeyska TuttoSport.

Dhawaan ayay ahayd markii walaalka Dybala uu sheegay hadal muran badan dhaliyay isaga oo si cad u faafiyay in walaalkii ay u badan tahay inuu ka baxayo kooxda ree Talyaani.

“Waxa jirta fursad wanaagsan oo uu Paolo kaga tagi doono Juventus, Waxa jira tiro ciyaartoy ah oo aan raaxo lagu dareemayn oo kooxda jooga, Wuxuu u baahan yahay isbedel” Ayuu yidhi walaalka 25 jirkani.

Poalo ayaa ah mid leh xirfad wanaagsan, Kubad samayn iyo gool dhalin balse imaatinka Cristiano Ronaldo ayaa loo arkaa inuu ku yahay caqabada ugu weyn maadaama oo uu taageeradii uu heli jiray waayay tan iyo imaatinkii 34 jirkii hore ee Real Madrid.

Haddaba, Haddii aan ku bilawno kooxaha doonaya Man United ayaa la filayaa inay marka hore iska fasixi doonto weeraryahan Romelu Lukaku si ay dhaqaale badan ugu hesho heshiiska ay ku doonayso Dybala oo ay booskiisana ugu buuxiso.

Dhinaca kale Bayern oo xilli suuqa soo socda la filayo inay gabi ahaanba cusboonaysiiso kooxdeeda ayaa sidoo kale isha ku haysa Dybala waxa ay sidoo kale dhinac ka doonayaan Greizmann,

Atletico Madrid oo iyadu si dhab ah u xaqiiqsatay in Greizmann uu ka baxayo xagaagan ayaa doonaysa Dybala si ay ugu buuxiso booska uu banayn doono.

Ugu dambayn, PSG oo ah koox dhaqaale ahaan kaga hor mari karta kooxaha aanu soo xusnay ayaa Dybala u bar-tilmaameedsanaysa si ay markale safkeeda uga dhigto mid buuxin kara hammigeeda ah hanashada Champions League.