Paul Scholes Oo Runta U Sheegay Kooxdiisii Hore Ee Manchester United Sharaxaadna Ka Bixiyay Sababta Aysan Ula Loolami Karin Kooxaha Manchester City Iyo Liverpool.

Halyeygi hore ee kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa sharaxaad dhammaystiran ka bixiyay sababta aysan kooxdiisii hore ula loolami karin kooxaha loo saadaalinayo inay horyaalka ku loolami doonaan ee Manchester City iyo Liverpool, Scholes ayaa sidoo kale ka hadlay sababta uu Jose Mourinho ku lumin karo xilka tababarenimo ee Red Devils.

Manchester United ayaa xilli ciyaareedkii hore kaalinta labaad kaga dhammaysatay miiska kala sarraynta Premier League balse waxa ay farqi 19 dhibcood ah kor u eegayeen kooxdii horyaalka hanatay ee Manchester City, Tababare Mourinho ayaana xilli horeba sii saadaaliyay inay xilli ciyaareed adag qaadan doonaan kaddib dhaq dhaqaaq xumada kooxdiisa ee suuqa kala iibsiga.

Haddaba, Kaddib markii ay kooxda Liverpool oo sanadkii horeba wacdaro dhigtay ay suuqa xagaagan si weyn uga adeegatay isla markaana la saxeexatay xiddigo tayo leh iyo awoodii Manchester City oo iaydu markale awoodeeda muujisay kulankii Community Sheild ee ay Chelsea ka adkaatay Scholes ayaysan u muuqan wax fursad ah oo ay kooxdiisii hore ku loolami kartaa.

“Marka aad eegto Manchester City, Si lamid ah Liverpool, Ma filayo in iyagu (Man United) ay leeyih tayada labadaas kooxood wakhti xaadirkan, Liverpool waxay samaysay dhawr saxiix oo xaqiiqdii fiican, United waxay ku dhammaysatay meel ka saraysa isaga xilli ciyaareedkii hore” Ayuu yidhi Scholes oo ku sugan magaalada Hong Kong.

Sidoo kale Scholes ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta aysan Red Devils ugu dhawaan doonin kooxda ay magaalo wadaagta yihiin ee Citizens isaga oo sheegay in kooxda Guardiola ay haysato tababare fiican, Ciyaartoy fiican iyo waliba hab ciyaareed ay isla yaqaanaan, Paul ayaa dhinaca kale kooxdiisii hore ku duray inaysan aad u hubin waxa ay qabanayaan.

Paul ayaa markale yidhi “Ma arko United oo ku dhawaanaysa City, Man City waa koox xaqiiqdii fiican, Tababare weyn, Xiddigo dhawr ah oo heer sarre ah, Hab ciyaareed ay dhammaantood ogyihiin, Manchester United waxay u muuqataa mid aan aad u hubin waxa soconaya”

“Xaqiiqdii ma ogid kooxda, Xaqiiqidii ma ogid ciyaartoyda, Ma ogid sida ay u ciyaarayaan hal toddobaad iyo midka ku xiga, Sidaa darteed waxaan rajaynayaa inaan qaldanahay laakiin ma arko iyaga oo horyaalka u tartamaya sanadkan”

Sidoo kale Paul Scholes ayaa carabaabay sababta Jose Mourinho ku hoggaamin karta in la tuso albaabka Old Trafford isla markaana kooxda laga caydhiyo, Scholes ayaa ku xidhay tababaraha ree Portugal shardi ah inay waxkasta ku xidhnaan doonaan sida ay kooxdiisu u ciyaarto taas oo uu uga jeedo inuu shaqadiisa waayi karo haddii ay kooxdu qaab ciyaareed xun soo bandhigto”

Scholes oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Miyaan u malaynayaa inuu tagi doono? Runtii wax fikrad ah kama haysto Waxa uu u baahanyahay inuu helo bilow fiican xilli ciyaareedkan taas wax shakiyi kuma jiro, Waxaan filayaa in waxbadani ku xidhnaan doono sida kooxdiisu u ciyaarto, Haddii aysan kooxdiisu si fiican u ciyaarin, Haddii aysan dadka madadaalaysiin uma tartamayaan horyaalka kaddib waxa suurogal ah inuu baxo”

Si kastaba ha ahaatee, Maaha markii ugu horreysay ee uu Paul Scholes runta farta ka saaro kooxdiisii hore isaga oo ah shaqsi markasta si aan gabasho lahayn u sheegay dal-daloolada kooxda ka dhisan Old Trafford, Scholes ayaa sidoo kale hore ugu andacooday in loo diiday inuu noqdo tababarah da’yarta maadaama oo uu kooxda markasta xaaladeeda runta ka sheego.