“Paul Pogba Wuxuu U Baahan Yahay In Dabada Laga Laado Sidii Cristiano Ronaldo Isagoo Fiicnaan Doona”

Halyeeyga Manchester United Ryan Giggs ayaa yaqaana sida lagu xalin karo dhibaatada Paul Pogba waana in dabada laga laado.

Waana sida ay ciyaartoyda waqtigii Giggs uu u dheelayay Man United ay u edbin jireen ciyaartoyda is gaarsiiya meel aysan gaarsiisneyn.

Xitaa Cristiano Ronaldo ayaa dabada laga soo laaday markii uu isku dayay inuu farsamo ku ceebeeyo qaar ka mid ah asxaabtiisa kooxda marka uu tababar ku jiro.

Xiddiga Faransiiska ee Koobka Adduunka ku guuleystay ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ka tago kooxda oo uu tartan cusub galo xagaagan.

Markii Giggs la weydiiyay sida ay ciyaartoyda kooxda uga jawaabcelin lahaayeen waqtigiisii, waxa uu halyeeyga Red Devils yiri:

“Dabada halooga laado tababarka. Laakiin taasi ma dhacdo haatan, waa wax ka sii dhamaanaya kubada cagta.

SIDOO KALE AKHRISO:  HORDHAC: West Ham United vs Man City - Sky Blues Oo Maanta Bilaabanaya Ololaha Ay Ku Doonayaan Horyaalkii SADDEXAAD Oo Xidhiidh Ah & Faah-Faahinta Kulanka.

“Ma dhahayo qof walba hala laado laakiin waa sidii uu Ronaldo ku fiicnaaday.

“Paul Scholes ayaa haraanti ku dhufan jiray Cristiano Ronaldo haddii uu gambis badan sameeyo.

“Waxaana uu ka dib ogaaday inuusan gambis badan iyo farsamo badan sameyn karin haddii kale la haraantinayo.”

Giggs ayaana sheegay in qaabkaas ay aheyd sida ay ku edbin jireen ciyaartoyda kibir muujisa, waxaana uu farmuuqay in Manchester City ay waayeen xiddigii u edbin jiray ciyaartoyda madaama uu Kompany baxay.

“Waxaan arkay wareysi uu bixiyay Kompany dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

“Waa dadkii hore, waxaana la weydiiyay kulankoodii ugu danbeeyay ee Brighton iyo sida ay isagu diyaarinayaan.

SIDOO KALE AKHRISO:  DALAB CUSUB: Barcelona Oo Dalab Cusub Oo Ay Ku Doonayso Neymar U Gudbisay PSG & Faah-Faahinta Waxa Uu Kaga Duwan Yahay Dalabaadkii Hore.

“Waxa uu yiri: ‘Mararka waxaan ku qasbanahay inaan dabada ka laado ciyaartoyda qaar.’

“Waxaan ku fekerayay in City ay tabi doonto sannadkan.”