Paul Pogba Waa Istus Laakiin Kubadda Cagta Ayaa U Baahan – Xiddig Ka Tirsan Kooxda Watford Oo Kahor Kulankooda Toddobaadkan Qaab Aan Hore Loo Arag U Amaanay Paul Pogba.

Paul Pogba waa istus balse midaa kubadda cagta ayaaba u baahan – Sidaas waxa qaba xiddiga khadka dhexe ee kooxda Watford ee  Abdoulaye Doucoure kaas oo khadka dhexe ee United kahor iman doona kulanka habeen dambe ay ku balansan yihiin Vicarage Road.

Pogba oo sanadkii 2016 lacag rekoodh ah oo 89 Milyan ah dib ugu soo laabtay Old Trafford ayaa ah mid markasta lagu eedeeyo hab dhaqankiisa garoonka dhexsiisa iyo joogtay la’aan dhinaca ciyaarta ah taas ayaana keentay in lala xidhiidhiyo inuu ka baxayo Red Devils.

Kooxda xilli ciyaareedkan ka yaabsanaysa kooxaha kale ee Premier League ee Watford ayaa kulan xiisihiisa leh qaabili doonta Manchester United oo kusoo dhibtootay laba kamid ah kulamada ay ilaa haatan ka ciyaareen Premier League, Watford ayaana haddii ay kulankan guul gaadho hogaanka u qaban karta horyaalka markoodii labaad abid.

Haddaba,  Abdoulaye ayaa sheegay inuu Pogba hore ugula soo ciyaaray xulalka da’yarta ee France oo dabeecada Istusnimada ee uu ku sifeeyay aysan ku ahayn wax cusub marka uu joogo garoonka dhexdiisa iyo dibadiisa labadaba, Doucoure ayaa marka laga yimaado dabeecadaas uu xiddigan ku tilmaamay s weyn u amaanay 25 jirkan oo uu ku sheegay inuu yahay mid dabeecad wanaagsan leh.

Khadka dhexe ee Watford ayaana yidhi “Waxaan lasoo ciyaaray Paul ilaa xulka da’doodu ka yaryaha 17-ka, Isagu markasta waxa uu ahaa sidan wuxuu jecelyahay inuu istuso inyar labadaba garoonka dhexdiisa iyo dibadiisa, Isagu wuu leeyahay shaqsiyadan sababtoo ah wuu ku fiican yahay garoonka dhexdiisa sidoo kale, Way u fiicantahay isaga”

“Paul waxa uu leeyahay shaqsiyad weyn mararka qaarna wuu istusaa, laakiin way fiicantahay in midaas lagu haysto kubadda cagta, Wali waanu wada hadalnaa waxaan isaga u diray farriin kaddib koobkii aduunka si aan ugu hambalyeeyo”

S kastaba ha ahaatee, Abdoulaye Doucoure iyo Paul Pogba ayaa la filayaa in kulankooda habeen dambe uu loolan xoogani ku dhex mari doono khadka dhexe isaga oo xiddig kasta kooxdiisa u raadin doona saddexda dhibcood uu kulankan.