Paul Pogba vs N’Golo Kante: Halyayga Ree France Ee Thierry Henry Oo Kala Xukumay Labada Xidig Ee Xulka Qarankiisa France Ee Pogba & Kante.

Jamaahiirta kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa si wayn ugu dooda midka fiican Paul Pogba iyo N’Golo Kante laakiin waxay hadda u muuqataa in ay heleen garsoore labada xidig dhex u ah oo ay isku dal yihiin kaas oo ah halyayga ree France ahna khabiirka Sky Sports ee Thierry Henry kaas oo sharaxaad ka bixiyay kala duwanaanshaha labadan xidig.

Paul Pogba ayaa kulamadii ugu danbeeyay eedayn badan la kulmayay laakiin jamaahiirta Man United ayaa aaminsan in Pogba uu ka fiican yahay N’Golo Kante halka jamaahiirta Blues ayna marnaba Kante dhaafsadeen xidiga United ee Pogba.

Thierry Henry ayaa si cad u sheegay in Pogba aanu ahayn Kante isla markaana waxyaabo uu Kante la gaar yahay ay yihiin waxyaabo hide-sidihiisa la socda oo aan ahayn wax lala wadaagi karo. Laakiin Thierry Henry ayaa xusay in Pogba uu leeyahay xifrad fiican.

Thierry Henry oo ka hadlaya Pogba iyo Kante ayaa yidhi: ” Marka uu isagu(Pogba) kubbada haysto waxa uu awood u leeyahay in uu saaamyn layaableh kulanka ku sameeyo. Miyuu isagu shaqada qaban karaa?. Haa shaqo wuu qaban karaa, laakiin isagu miyuu yahay N’Golo Kante? Maya”.

Thierry Henry oo Kante iyo Pogba ka sii hadlaya ayaa yidhi: “Kante waxa uu dareemaa halista, wuxuuna ogyahay waxa ay kubbadu noqon doonto, laakiin taas waxa uu ku haystaa hide-sidaha DNA-da.Paul Pogba waxa in badan DNA-da ku haystaa in uu abuuro, isku dayo in uu xirfado sameeyo sidii aan ku aragnay kulankii Everton”.

Kulamadii ugu danbeeyay waxay dood wayni ka taagnayd booska ugu fiican ee uu Paul Pogba awoodiisa ciyaareed ku soo bandhigi karo laakiin marka la qiimeeyay waxa uu bandhiga fiican xili ciyaareedkan sameeyay kulamadii uu dhexda hore kaga soo bilawday shaxda Mourinho.

 

2 Comments

  1. Paul = Golo = 4 (2 Vowels and 2 Consonants)
    Pogba = Kante = 5 (2 Vowels and 3 Cosonants)
    Laakiin N’ oo u taagan (Number of things) aa la dheer yahay Pogba
    Ha loo sheego taageerayaasha MU

Comments are closed.