Paul Pogba Oo Taleefan Ka Wacay Mid Ka Mid Ah Tababarayaasha Doonaya & Sababtii Uu U Wacay Oo la Ogaaday

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa lagu waramayaa inuu taleefanka ka wacay Maurizio Sarri si uu ugu laabto kooxda Juventus.

Pogba ayaan wax sir ah ka dhigin inuu doonayo inuu ka tago Manchester United xagaagan ka dib seddex sannadood uu joogay Old Trafford.

Kooxdiisa hore ee Juventus ayaa weli xiiseyneysa halka tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane uu isna si weyn u doonayo xiddiga Faransiiska.

Sarri ayaa ku laabtay Talyaaniga ka dib markii uu ka tagay Chelsea isagoo shaqada Juventus ka bedelay tababare Max Allegri.

Wargeyska Talyaaniga ee Tuttosport ayaa sheegaya in Pogba uu durbaba la xiriiray Maurizio Sarri si uu uga dhameysto inuu dib ugu laabto Turin.

Waxaa la sheegayaa in Pogba uu si weyn u doonayo inuu ku laabto Juventus waxaana uu la xiiiray tababare Sarri isagoo ku dhiirogeliyay in Bianconeri ay dalab dhab ah ka soo gudbiso.

Weli ma cada haddii xiddiga Faransiiska uu Man United ka heli doono waxa uu doonayo madaama ay ka caga jiidayaan inay iibiyaan.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa filanaya in Pogba uu soo xaadiro Old Trafford bilowga xilli ciyaareedka cusub ilaa iyo inay kooxda hesho dalab aysan diidi karin mooyee.

Pogba ayaa saxaafada ka sheegay inuu doonayo inuu baxo horaantii isbuucaan, waxaana macquul ah inuu taas ku celiyo ka hor inta uusan ku soo laabanin kooxda.