Paul Pogba Oo Ogolaaday Inuu Ku Laabto Kooxdiisii Hore Ee Juventus & HAL Shardi Oo Kaliya Oo Ay Ku Xidhnaan Doonto Inuu Heshii Rasmi Ahi Hirgalo.

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu ogolaansho siiyay kooxdiisii hore ee Juventus isaga oo doonaya inuu ku laabto gudaha suuqa xagaagan balse ay marka hore shuruudi hor taalo.

Pogba ayaa xagaagii 2016 lacag 89 Milyan ah kaga soo dhaqaaqay Juventus balse haatan ayuu hayaa wadadii uu ugu laaban lahaa magaalada Turin si uu markale ugu dheelo Allianz Stadium.

Dhawaanahan ayay suuqa kala iibsiga ka dhex socotaa sheekada ku saabsan mustaqbalka Pogba balse maanta ayuu wargeyska Correire dello Sport sheegay inuu u sheegay Juventus inuu u furan yahay kusoo laabashada Talyaaniga.

“Pogba waxa uu xilli horeba ka yidhi HAA ku laabashada Juve laakiin marka hore waa inuu [Fabio] Paratici uu iibiyo xiddig weyn”

Patrici oo ah agaasimaha ciyaaraha kooxda Juventus ayaa marka hore u baahan doona inuu iibiyo ciyaartoy weyn oo kooxdiisa ah si uu lacag uu ku kharash gareeyo soo xero galinta 26 jirkan u helo.

In Juventus ay iibiso xiddigo waaweyn oo kooxdeeda ah ayay qasbayaan laba arrimood oo kala ah sharciga dhaqaale wanaaga qaarada Yurub iyo waliba in kooxdu ay marka horeba mushaharaad badan siiso xiddigaheeda.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in Bianconeri ay saddexda xiddig ee kala ah Paulo Dybala, Douglas Costa iyo Alex Sandro u bandhigi karo Man United si ay ugaga bedeshaan Pogba.