Paul Pogba Oo Ka Hadlay Waxa Ay Man United U La Micno Tahay Maalin Ka Dib Markii Uu Ku Guuldareystay Inuu Ka Tago

Paul Pogba ayaa si furan uga hadlay jaceylka uu qabo Manchester United ka dib markii uu shalay ku guuldareystay inuu kooxda ka tago.

Xiddiga reer France ayaa la filayay inuu ka tago United oo uu ku biiro Real Madrid ama Juventus, laakiin weli suuqa kala iibsiga Yurub ayaa furan oo fursada uu ku bixi karo weli waa ay taagan tahay.

Adidas ayaa la shaqeysay United si ay u dhameystiraan filimkooda ‘Fabric of Football’ oo sidoo kale ay hore uga qeyb qaateen kooxaha Arsenal iyo Real Madrid.

Filimkaan oo cinwaan looga dhigay ‘The Fabric of Football: Belief’ ayaa waxa lagu soo bandhigaa waxyaabaha ka dhacaya daaha gadaashiisa, waxaana ay la hadlaan oo wareysi ay la yeeshaan ciyaartoyda kooxda koowaad, ciyaartoyda akadeemiga, taageerayaasha iyo shaqaalaha kale ee kooxda.

SIDOO KALE AKHRISO:  Man United Oo Haddaba Sii Go'aamisay Lacagta Ay Ole Gunnar Solskjaer U Gacan Galin Doonaan Suuqa January Iyo Shuruudda Ku Xidhan.

Wareysiyada waxaa ka muuqda Paul Pogba, Ole Gunnar Solskjaer, Nicky Butt iyo Scott McTominay waxaana ay ka hadlayaan qibradooda kooxda iyo waxa ay u la micno tahay inay xirtaan maaliyada Red Devils.

Filimka dhexdiisa Pogba waxa uu ka hadlayaa sida uu ugu faanayo qiimaha ay ku fadhiso kooxda iyo inaysan jirin wax xadidaya guulaha ay gaari karaan.

Waxa uu yiri: “Marka aad xirato maaliyadaan, waxaad ogaaneysaa in wax walba ay suurtogal yihiin.

“Marnaba isma dhiibno. Waxba isma bedelin xitaa markii aan baxay. Markii aan soo laabtay wax walba sidii ayay ahaayeen, waa isla kooxdii, waa isla hamigii, waa isla dhaqankii.

“Manchester waxa ay la micno tahay aaminaad, Manchester waxay la micno tahay suurtogalnimo, Wax aan suurtogal aheyn kama jiraan halkaan.”