Paul Pogba Oo Heshiis Musiibo Ku Noqon Kara Qolka Labiska Ee Bernabeu La Gaadhay Real Madrid, Mushaharka Uu Qaadan Doono & Waxa Haatan Kahor Taagan Kooxda Zidane.

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayuusan mustaqbalkiisa dhaw ahayn mid wali meel lagu hubo balse waxa markale soo baxay warar sheegaya inuu haatan heshiiska shaqsiga ah la meel dhigay kooxda doonaysa ee Real Madrid.

Real Madrid ayaan kali ku ahayn tartanka loogu jiray Paul balse waxa ay sidoo kale cadaadis kala kulmaysay kooxdiisii hore ee Juventus oo qudheedu doonaysay inay khadkeeda dhexe ku xoojiso xagaagan.

Pogba ayaa dhawaan sheegay rabitaankiisa ah inuu iskaga tago Man United waxaana kooxdiisa xigta inta ugu cad cad ee la og yahay noqon karta Real oo uu hore u amaanay tababaraheeda Zinadine Zidane.

Real Madrid ayaa dhawr dalab kasoo gudbisay Pogba mudooyinkii ugu dambeeyay kuwaas oo iskugu jiray ciyaartoy lagu daray lacago balse Red Devils ayaan aqbalin oo dalbanaya kaliya lacag kaash ah.

Wargeyska ree Spain ee Dario Goal ayaa Khamiistii shalay ahayd baahiyay war cusub isaga oo sheegay in Pogba iyo Real Madrid ay isku fahmeen heshiiska shaqsiga ah.

Wargeyska ayaa sheegay in Pogba uu sanadkii qaadan doono lacag dhan €13 Milyan balse waxa uu dhinaca kale ka digay inuu dhibaato ku horseedi karo qolka labiska ee kooxda oo ay xiddigaha qaar dhibsan doonaan lacagahaas.

Haatan waxa kaliya ee hadhsan ayaa ah in labada kooxood ay wada hadlaan isla markaana ay isku fahmaan heshiis guud ahaaneed, Dario Goal ayaa dhinaca kale sheegaya in United ay doonayso 180 Milyan oo ah lacago ka badan kuwii saxaafada kale sheegaysay.

Ugu dambayn, Iyadoo ay Real Madrid horeba lacag 300 Milyan ah ugula soo wareegtay shan ciyaartoy ayay ku qasbanaan doontaa inay iibiso xiddigo kooxdeeda ah si ay maal-gelin ugu hesho heshiiska 26 jirkan.