Paul Pogba Oo Ay Ku Adkaatay Kaddib Markii La Weydiiyay Xiddigii Ugu Fiicnaa Ee Uu Abid Kasoo Garab Ciyaaray & LABA Halyeey Oo Uu Ugu Dambayn Doortay,

Khadka dhexe ee Manchester United iyo xulka France ee Paul Pogba oo wakhti xaadirkan ku hawlan waajibaadkiisa qaran ee kulamada isreeb-reenka EURO 2020 ayaa waraysi dhinacyo badan taabtay bixiyay.

Pogba ayaa marka laga yimaado waraysiga uu bixiyay haatan la tacaalaya mustaqbalkiisa Man United waxaana maalinba maalinta ka dambaysa isasoo taraya wararka la xidhiidhinaya kooxo ay ugu horreeyaan Real Madrid iyo Juventus.

Wararka kala duwan ee saxaafada ayaa ah kuwo si kala duwan isku khilaafaya, Xiddigan ayaa ku riyooda ka ciyaarista Real sida uu sheegay balse waxaan jirin wax u diidaya kooxdii dunida magaca ugu yeeshay ee Juve.

Si kastaba, Paul ayaa warcelino ka bixiyay waydiimo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen xiddigaha ugu fiican ee uu kasoo garab ciyaaray, Ciyaartoygii ugu adkaa ee uu wajahay & halyeeyga uu taageeri jiray wakhtigiisii carruurnimo”

Jawaabaha saddexdaas su’aalood ayaan idiinku soo gudbin doonaa qaab su’aalo iyo jawaabo ah oo is hoos yaala.

Wariye: Ciyaartoyga dookhaaga ah ee aad kusoo barbaartay?

Pogba: Waa Ronaldo, Ronaldo Brazilian.

Wariye: Ciyaartoygii kasoo horjeeday ee ugu adkaa ee aad abid wajahday?

Pogba: Waa N’golo, N’Golo Kante.

Wariye: Kaddib way wanaagsantahay inaad kooxdaada (Xulka France) ku haysato (Kante)

Pogba: Haa

Wariye: Ciyaartoygii ugu fiicnaa ee aad lasoo ciyaartay?

Pogba: Taasi waa su’aal adag, Waxaan kuu sheegi doonaa laba sababtoo ah waxaan usoo ciyaaray laba kooxood, Pirlo oo khad dhexe ah, Paul Scholes waa laba khad dhexe.