Paul Pogba Iyo Jesse Lingard Oo Isku Dhacay Ka Hor Tababarkii Maanta Ee Manchester United

Kooxda Manchester United ayaa ka degtay Australia halkaasoo ay ka bilaabayaan socdaalkooda xagaaga iyagoo kulamo saaxiibtinimo ku dheelaya Australia, Singapore iyo Shiinaha.

Indhaha oo dhan waxa ay hayen Paul Pogba kaasoo shaki weyn uu ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Old Trafford ka dhisan.

Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ayaana ka degay Australia ka dib 16 saacadood oo ay diyaarsad saarnaayeen, waxaana maanta oo Isniin ah ay durbaba bilaabayaan tababarkooda.

Muuqaal la soo dhigay bogga rasmiga ah ee Manchester United ay ku leedahay Twitter ayaa muujinaya in Poga ay isku dhaceen xiddiga isku kooxda yihiin ee Jesse Lingard iyadoo daafaca Victor Lindelof uu soo kala dhex galay labada nin i uu u kala qabto.

Lingard iyo Pogba ayaa u muuqday kuwa ereyo isdhaafsaday iyadoo Lingard uu aad u careysnaa halka xiddiga Faransiiska uu u dhaqaaqay dhankiisa.

Lindelof ayaa garabka ka qabsaday Pogba isagoo kala dhexgalay labada nin ka hor inta uusan muuqaalka u wareeganin qeyb kale oo ka mid ah ciyaartoyda United.

Laakiin taageerayaasha ayaa durbadiisa ogaaday in labada nin ay isku dhaceen iyagoo ku wadaagayay baraha bulshada.

Waxay dareemeen in Pogba uu si weyn u doonayo inuu baxo, iyagoo hoosta ka xariiqay in Pogba uu doonayay inuu weeraro Lingard ka hor inta uusan Lindelof soo kala dhexgelin.

Pogba iyo wakiilkiisa Mino Raiola ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahanka uu doonayo tartan cusub iyadoo kooxaha Real Madrid iyo Juventus ay xiiseynayaan.