Patrice Evra Oo Banaanka Keenay Sheeko Layaab Leh Oo Ku Saabsan Cristiano Ronaldo & Baahida Guusha Ee CR7 Oo Uu Dunida Uga Warramay.

Daafacii hore ee kooxda Manchester United ee Patrice Evra ayaa ka faalooday baahida guuleed ee uu qabo weeraryahanka haatan ee Juventus ee Cristiano Ronaldo iyo sida ay u tahay wax mudo dheer kusoo abuurnaa.

Ronaldo ayaa lagu sifeeyaaa shaqsi markasta leh ka go’naanshiiyo iyo dadaal aan kala joogsi lahayn oo uu ku doonayo inuu ku gaadho heerka uu joogo midka ka sarreeya taas oo fure u ah guulahiisa.

Waxa ugu badan ee horumarka xiddigan ka dambeeya ayaa ah shaqada aan kala joogsiga lahayn waxaana taas caddayn ugu filan inuu haatan isaga oo wakhtiga fasaxiisa ku jira tababar ku qaadanayo qaybta jidh dhiska ee Sporting Lisbon.

Dhinaca kale Evra iyo Ronaldo ayaa wakhti dahabi ah kusoo wada qaatay Manchester iyaga oo halkaas kusoo wada qaaday koobab badan oo ay kamid ahaayeen Champions League iyo dhawr saddex mar oo ay si wada jir ah ugu soo wada guuleysteen horyaalka.

Ronaldo ayaa sanadahaas kusoo guuleystay abaalmarino badan oo shaqsi ah oo ay ugu horreyso Ballon d’Or halka Evra uu kasoo mid noqday daafacyada bidix ee dunida ugu fiicnaa.

Si kastaba, Patrice ayaa haatan banaanka keenay sheeko ku saabsan tartan soo kala dhex maray CR7 iyo daafacii hore ee Man United Rio Ferdinand taas oo uu ku muujinayo sida uu Ronaldo u yahay mid guusha ugu baahi qaba.

Evra ayaa sheegay in Ferdinand uu ciyaarta Tennis-ka kaga guuleystay Ronaldo kaddib ay ku dabaaldegeen balse Ronaldo uu iibsaday miis Tennis ah oo uu laba toddobaad tababar soo qaatay kaddib iyada oo la wada daawanayo uu guul ka gaadhay Ferdinand markiisa.

Patrice Evra ayaa yidhi “Cristiano waa mashiin, Waxa uu ciyaarayay miis Tennis kaddib Rio ayaa garaacay dhammaanteena waan qaylinaynay, Ronaldo waxa uu ahaa mid aad u cadhaysan”

“Kaddib inaadeerkii ayuu u diray inuu usoo iibiyo miis Tennis laba toddobaad ayuu tababar qaatay, Wuu soo laabtay wuxuuna Rio ku garaacay qofkasta hortiisa, Kaasi waa Cristiano”