Paris Saint-Germain Oo 100 Milyan Iyo Ciyaartoy Ula Diyaar Ah Chelsea Si Ay Uga Hesho N’golo Kante & Blues Oo Badalkiisa Ka Dhex Aragtay Isla Horyaalka France.

Kooxda ree London ee Chelsea ayaa dhawaan filanaysa inay weerar kala kulanto dhigeeda Paris Saint-Germain taas oo u xusulo duubanaysa sidii ay khadka dhexe ee kooxdaas ee N’golo Kante uga kaxayn lahayd horyaalka Premier League isla markaana ay dib ugu celin lahayd horyaalka dalkiisa hooyo.

Sida uu ku waramayo wargeyska Goal Paris waxay ka warqabtaa in xiddigani uu Blues dhexdeeda qiimo weyn ku leeyahay iyaga oo diyaarinaya dalab weyn oo ah 100 Milyan oo lagu daray xiddiga khadka dhexe ee kooxdas ee Adrien Rabiot, Wararka ayaa intaas ku daraya in agaasimaha ciyaaraha kooxda ree France ee Antero Henrique uu bartilmaameedkiisa koowaad ka dhigtay 27 jirkan.

Paris ayaa sidoo kale isku dayi doonta inay mushahar waali ah kusoo jiidato xiddigan oo wakhti xaadirkan Blues ka qaata £100,000 usbuucii halka PSG ay diyaar ula tahay £220,000 oo ah inkabadan laba jibaarka mushaharka uu xiddigu u xaadiro wakhti xaadirkan mushaharkan ayaana noqon kara mid wadada u xaadha in heshiiskani uu qabsoomo.

Dhinaca kale Chelsea waxay xiddiga badalkiisa ka dhex aragtay isla horyaalka France iyadoo da’yarka burburiyaha u ah kooxda Lyon ee Tanguy Ndombele kaas oo sidoo kale lala xidhiidhinayo kooxaha Premier League ee Tottenham iyo Manchester United.

Tanguy Ndombele oo dhawr jeer oo hore amaah kaga baxay kooxda ree France ayaa xilli ciyaareedkii dambe boos joogto ah ka helay kooxdiisa isaga oo saftay 50 kulan isla markaana kooxdiisa ka caawiyay inay usoo baxdo UEFA Champions League xili ciyaareedka dambe iyagoo ku dhammaystay kaalinta saddexaad.