Ousmane Dembele Oo Dalbaday In Bisha January La Iibiyo, Digniinta Premier league Iyo Neymar Jr Oo Camp Nou Ka Badali Kara Markiisa.

Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa kulankii Atletico Madrid waxa uu markale muujiyay sida uu muhiim ugu yahay kooxda Valverde inkasta oo uu waqti kooban helay balse waxaa soo baxay war layaab ku noqon kara jamaahiirta kooxda Barcelona.

Ousmane Dembele ayaa boodhka kooxdiisa Barcelona ka dalbaday in la iibiy bisha January taas oo digniin siinaysa kooxaha Premier league ee sida wayn u doonaya adeegiisa halka ay sidoo kale Barcelona ka caawin karto in ay Neymar Jr ku soo celiso Camp Nou.

Barcelona ayaa ku soo dhibtoonaysay dabeecadaha Ousmane Dembele waxayna walwal ka qabaan in xidig kooxdooda qiimo waali ah ku joogaa uu xili ciyaareedkiisii labaad wali saldhigan waayay Camp Nou isaga oo xataa aan dhex galin ciyaartoyda kooxdiisa wuxuuna inta badan ku kooban yahay ciyaartoyda xulkiisa France ee Barca ka tirsan.

Warbixin cusub oo soo baxday ayaa sheegaysa in Ousmane Dembele uu diyaar u yahay in suuqa bisha January uu ka baxo Barcelona laakiin waxaa warkan lagu sheegay in lacagta ay Barca ka hesho iibka Ousmane Dembele ay dib ugu soo ceshan karto Neymar Jr oo isna aan sal dhigan PSG.

Khabiirada kubbada cagta Spain ayaa aaminsan in fashil kasta oo ku yimaada Ousmane Dembele in uu noqon doono fashil ku yimid maamulka Barcelona laakiin xidiga reer France ayaaba doonaya in aanu sii joogin Barca si uu u raadsado koox kale taas oo Barca siin karta fursad ay lacagtii Dembele ku soo ceshan karto.

Maskax fikirka Dembele ayaa su’aal wayn la galiyay iyada oo la sheegay in ciyaar gacmeeda FIFA uu kaga mashquulay xirfadiisa kubbada cagta waxayna hadda u muuqataa in waayihii Dembele uu ka soo dhamaan karo Camp Nou haddii ay Barca ogolaado dalabka uu Dembele gudbiyay.

Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa si wayn u doonayay saxiixa Dembele laakiin waxaa hadda Reds iyo Gunners iyo waliba kooxaha kale u soo yeedhay war wayn balse Neymar Jr ayaa markiisa Camp Nou ka badlali kara Dembele iyada oo Neymar Jr laftiisu uu diyaar u yahay in uu soo laabto haddii ay Barca ay bixinayso lacagta ay PSG ku fasixi karto.