Olivier Giroud Oo Ka Jawaabay Eedeemihii Kala Duwan Ee Kaga Imanayay Jamaahiirta Xulka Qarankiisa France Iyo Kuwa Premier League.

Weeraryahanka reer France iyo kooxda Chelsea Olivier Giroud ayaa sheegay in dhaleeceynta ay mar walba ku dhiiri galineyso in uu soo bandhigo qaab ciyaareed aad u wanaagsan, wuxuuna farxad ka muujiyay sida uu xulkiisa kaga caawiyay ku guuleysiga koobka aduunka 2018 ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay dalka Russia.

Olivier Giroud ayaa kala kulmay dhaleeceen jamaahiirta xulka qaranka France, sababa la xidhiidha inuusan dhalinin wax gool ah, inskastoo uu kasoo muuqday kulamada xulkiisa France ee koobka aduunka, maadaama uu garab istaag weyn uu ka helay macalinka xulka qaranka ee Didier Deschamps.

Xidiga kooxda Chelsea oo arintan ka hadlayay ayaa yidhi: “Waxaan la kulmay dhaleeceeno kala duwan xirfadeyda kubada cagta, waxaan sidoo kale la kulmay dhibaatooyin, hadana waan ka gudbay”.

Olivier Giroud ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Tani waa mid I dhiiri galineysa, waxayna igu riixeysaa inaan sii wanaajiyo qaab ciyaareedkeyga, si  aan kaga gudbo dhibaatooyinka jira, kubada cagta way adag tahay, taageerayaashuna waxay arkaan kaliya wax qurux badan, laakiin waxaan u shaqeynaa si adag, waana ku faraxsanahay inaan noqday horyaalka aduunka”.

Giroud yaa sidoo kale weerar kala kulmay taageerayaasha Premier League ka dib markii uu dhaliyay 5 gool islamarkaana uu sameeyay 3 gool caawin kale 18 kulan uu u ciyaaray kooxda Chelsea tan iyo markii uu ku biiray bishii January.

Olivier Giroud ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Ma aanan dhalinin wax gool ah koobka aduunka 2018, laakiin waxaan fariimo badan ka helay shaqsiyaad si fiican wax kaga yaqaana kubada cagta iyo jamaahiir fara badan ee reer France, kuwaasoo ka war qaba dadaalkii aan ku bixiyay kooxda”.