Nolol Kale Ayuu Hadda Ku Ku Jiraa Garsoorihii Premier league Laga Caydhiyay Ee Bobby Madley, Maxay Ahayd Sababtii Dhabta Ahayd Ee Lagu Eryay?

Inta badan ma dhacdo in maamulka Premier league ay shaqada ka caydhiyaan garsoorayaasha horyaalka Ingiriiska laakiin bishii August ee la soo dhaafay waxaa si lama filaan ah shaqada looga caydhiyay garsoorihii Premier league ee  Bobby Madley.

Garsoorka Premier league ayaa ka mid ah garsoorayaasha aduunka ugu mushaarka fiican iyada oo hore loo shaaciyay in 70,000 kun oo gini uu midkiiba sanadkii u xaadiro laakiin caadiyan mushaarka ayna aas aasiga ah ee halka garsoore ee Premier League ayaa lagu sheegay in ay tahay mid u dhexaysa £38,500 iyo £42,000 kun oo gini.

Haddaba garsoore  Bobby Madley ayaa ka mid ahaa garsoorkii Premier League ee mushaarka qaaliga ah ka qaadanayay kulamadii uu soo dhex dhexaadiyay ee horyaalka Ingiriiska iyaga oo celcelis ahaan kulankiiba ku qaata £1,150 kun gini.

Laakiin waa sidee xaalada garsoorihii Premier League ee  Bobby Madley Saddex Bilood Kadib Markii Shaqadii Horyaalka Ingiiriska Laga Caydhiyay?

Kadib markii bishii August shaqada laga caydhiyay Bobby Madley, waxa uu gabi ahaanba iskaga baxay UK wuxuuna u dhaqaaqay dalka Norway si uu dib ugu soo bilaabo shaqadiisii garsoore ee ay dhibaatada wayni ku soo gaadhay Premier league.

Garsoore Bobby Madley ayaa hadda ka shaqeeya horyaalka heerka lixaad, hadda waa horyaalka heerka lixaad ee dalka Norway kadib markii ay qaateen kubbada cagta Nouthern Oslo waxaana Norway ula safartay xaaskiisa  Jenny Emilie Johanessen oo ah kalkaaliso caafimaad.

Saddex bilood kadib markii laga caydhiyay shaqadii horyaalka kubbada cagta aduunka ugu fiicnaa uguna xamaasada badnaa waxa uu hadda garsoore Bobby Madley noqday garsoore ka hawl gala horyaalka heerka lixaad ee Norway oo aanu xataa horyaalkooda heerka kowaad aanu aduunka iyo Yurub xiiso ku lahayn.

Sidan ayaay nolosha aduunku saddex bilood ama ka yar iskugu badali kartaa!. Wuxuuna hadda doonayaa in uu dib ugu soo dagaalamao sumcadii kaga soo luntay shaqo ka caydhintii Premier League.

Maxay Ahayd Sababtii Dhabta Ahayd ee Maamulka Premier League shaqada uga caydhiyeen garsoore Bobby Madley?

Xogo badan oo soo baxay ayaa shaaciyay in garsoore Bobby Madley uu shaqadiisii sumcada wayn lahayd iyo lacagtiisii uu ku waayay hal sawir oo uu soo dhigay baraha bulshada kaas oo uu meel ugaga dhacay dadka naafada ah.

Garsoore Bobby Madley ayaa la sheegay in August 30,2018 uu bartiisa Snapchat uu soo dhigay sawirka nin naafo ah isla markaana uu soo raaciyay qoraal uu ku sheegayay in haddii uu tartan la gali lahaa ninka naafaada ah uu kaga guluaysan lahaa maalinta Sportska Iskuulada.

Waxaa fariinta iyo sawirkii uu garsoore Bobby Madley soo dhigay baraha bulshada arkay ururka garsoorka xirfadlayaasha ciyaaraha ee PGMOL waxaana 33 sano jirkan lagu war galiyay in heshiiskiisa la kansalayo isla markaana uu sidaa ku lumiyay shaqadii uu Premier league ka hayay.

Laakiin saddex bilood kadib markii uu garsoore Bobby Madley shaqadiisii lacagta badan lahayd ku waayay hal sawir oo baraha bulshada soo dhigay waxa uu hadda ka shaqaynayaa horyaalka heerka lixaad ee Norway!.