RASMI: N’Golo Kante Oo Ugu Danbayn Qalinka Ku Duugay Qandaraas Waqti Dheer Ah Iyo Kooxihii Waa Waynaa Ee Yurub Oo Ay Chelsea U Quus Goysay.

Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub oo waqti dheer ah ka saxiixatay ciyaartoyda kubbada cagta aduunka ugu qunyar socodsan ee N’Golo Kante wuxuuna heshiiskani meesha ka saarayaa wararkii suuqa kala iibsiga ee Kante la xidhiidhinayay kooxaha Yurub ugu waa wayn.

N’Golo Kante ayaa waqti yar horumar layaableh ku sameeyay kadib markii uu laba koob oo Premier league ah ka soo caawiyay kooxaha Leicester City iyo Chelsea isla markaana uu xulka qarankiisa France kula soo guulaystay koobka aduunka.

Chelsea ayaa muddoyinkii ugu danbeeyay wada xaajoodyo kula jirtay N’Golo Kante waxayna doonaysay in ay meesha ka saarto xiisihii badnaa ee uga imanayay kooxaha Yurub ugu waa wayn oo ay PSG ugu horaysay waxayna hadda Blues isku hubsatay adeega Kante ee waqtiga dheer.

Agaasimaha kooxda Chelsea ee Marina Granovskaia ayaa farxad ka muujisay heshiiska uu Kante kooxdeeda u saxiixay waxayna tidhi: “Waan ku faraxsanahay in N’Golo uu qandaraas cusub saxiixay, islamarkaana uu mustaqbalkiisa dheer la qaato Chelsea. Hore ayaan ka ogaanay markii uu yimid in aanu la soo wareegnay ciyaaryahan muhim ah, laakiin waxa uu qof walba ka falceliyay madaalenimadiisa iyo sida uu deeqsi u yahay.

Marina Granovskaia ayaa hadalkeeda sii raacisay: “Garoonka banaankiisa waxa uu ku yahay nin sumcad leh oo aan isla weyneyn, waana xiddig Koob Adduun ku guuleystay iyo labo koob oo Premie League. Waxaanu isha ku heynaa shanta sanno ee soo socota ee u N’Golo Kante ka muuqan doono khadka dhexe ee Chelsea”

Markii uu mustaqbalkiisa Chelsea u hibeeyay ayuu Kante yidhi: ““Waan ku faraxsanahay in aan heshiiskayga u kordhiyay Chelsea, laba sanadood oo qurux badan ayaan halkan joogay, waxaanan rajeynayaa in sanadaha soo socdaana ay sidaas oo kale noqdaan.

Kante oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Tan iyo markii aan soo gaadhay, waxaan sameeyay horumar badan, nafteyda ayaan la tartamay, waxaanan helay abaalmarino aanan xataa ku fekerin. waan jeclahay magaalada, waan jeclahay kooxda, waanan ku faraxsanahay inaan waqti badan halkaan joogo.”

Si kastaba ha ahaatee, Kante ayaa qalinka ku duugay qandaraas cusub oo shan sanadood ah kaas oo si wayn sare loogu qaaday mushaarkiisa isla markaana uu ku soo gaba gabeeyay wararkii suuqa kala iibsiga waana arin muhiim ah oo ay Chelsea albaabkeeda iska soo xidhay waxaana hadda u hadhsan Eden Hazard.