N’Golo Kante Mise Claude Makelele-Taageerayaasha Oo Doortay Midka Ay Labadooda Kooxdooda U Qaadan Lahaayeen.

Waxyaabo badan ayay iskaga mid yihiin N’Golo Kante iyo Claude Makelele laakiin hadana waxaa jira kala duwanaansho lagu kala dooran karo.

Taageerayaasha kubbada cagta ayaa loo soo bandhigay in ay kala doortaan N’Golo Kante iyo halyayga dalkiisa France ee Claude Makelele oo ku jira xaaladiisii ugu fiicnayd waxaana ka soo baxday jawaabta jamaahiirtu aaminsan yihiin.

Chelsea v Sunderland - Premier League

N’Golo Kante waxa uu kooxda Leicester City yimid isaga oo aan aduunka laga aqoon in uu yahay qof jira laakiin waxa uu sida cadceeda uga soo ifbaxay kooxdii Foxes ee aduunka ka yaabsatay wuxuuna kooxdii Leicester City ee heerka labaad in ay u dhacdo loo saadaaliyay uu kula guulaystay koobka premier league.

Waxa uu markaas Kante awooday in 37 kulan oo ka mid ah 38 kii kulan ee Premier League uu shaxda Leicester City ku soo bilawday taas oo ka caawisay in uu ku guulaystay abaal marinta xidiga sanadka ee Premier League ugu fiican.

Kadib waxa uu ku soo biiray kooxda uu hadda ka tirsan yahay ee Chelsea wuxuuna isla qaabkii hore u awooday in uu Chelsea kula guulaystay koobka Premier league wuxuuna wali ka mid yahay xidigaha khadka dhexe ee ugu saamaynta badan.

Intaas oo kaliya kuma koobna wax qabadka lawada arkay ee Kante, balse waxa uu udub dhexaad u ahaa guushii xulka qarankiisa France ee koobkii aduunka ee Russia 2018 kii halkaas oo uu wacdaro ka dhigay.

Inkasta oo 29 sano jirkan reer France ee Kante uu xili ciyaareedkan ahaa mid dhaawacyo la soo dhibtoonayay, haddana waxa uu wali leeyahay saamayntiisii cajiibka ahayd.

Laakiin Claude Makelele waxa uu ahaa mar la arag ay adag tahay in shaqsiyad la mid ah kubbada cagta lagu arki karo wuxuuna ku jiraa liiska ciyaartoyda burburiyaasha taariikhda kubbada cagta aduunka ugu fiican.

Maxaa ka soo baxay Codbixintii Taageerayaasha Ee Kante iyo Claude Makelele?

Waxaa codobixinta lagu kala dooranayay Kante iyo Claude Makelele ka qayb qaatay 142,000 kun oo taageere oo dacalada aduunka kala joogay waxayna boqolkiiba 64% ka mid ahi go’aansadeen in Kante ay ka dooran lahaayeen Makelele oo xaaladiisii ugu fiicnayd ku jiray.

Inkasta oo ay suurtogal tahay in taageerayaasha aadka u badan ee codbixintan ka qayb qaatay ayna aqoon badan u lahayn wixii uu Claude Makelele kubbada cagta ka soo sameeyay, haddana waxay muujinaysaa sumcada iyo saamaynta layaabka leh ee uu Kante aduunka ku yeeshay.

Halkan ka daawo muuqaalkan ka mid ah qaabkii uu Mekelele saamaynta ugu soo yeeshay kubbada cagta.

Haddaba adigu akhriste, midkeed kooxdaada u qaadan lahayd Kante iyo Makelele oo mid kastaaba uu xaaladiisa ugu fiican ku jiro?

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook