“Neymar Waxa Uu Kubadda Cagta Kaga Fadhiisan Doonaa PSG Haddii Uusan……” – Neymar Oo Farriin Mug Iyo Miisaan Leh Loo Diray.

Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayuu kasoo yeedhay hadal miisaan leh oo uu ku sheegay war ku saabsan xiddigii aadka loola xidhiidhinayay suuqii dhawaan albaabada loo laabay ee xagaagan 2019.

Barcelona iyo kooxda ay sida aadka ah u xifaaltamaan ee Real Madrid ayaa labaduba doonayay inay horyaalka Spain kusoo celiyaan 27 jirkan balse kaddib dedaalo badan oo ay sameeyeen waxa ugu dambayn caddaatay inuu baaqi kusii ahaanayo Paris.

Image result for Javier Tebas

Haatan Tebas ayaa meesha keenay aragtida ah in Neymar uu kubadda cagta kaga fadhiisan doono kooxda uu aadka u doonayo inuu iskaga baxo ee PSG balse shuruudo ku xidhay sababta.

Shuruuda Tebas ayaa ah in Neymar uu yareeyo mushaharkiisa iyo waliba waxyaabaha ay sheeganayso kooxdiisa Paris Saint-Germain haddiiba uu doonayo inuu heshiiskiisu dhaco haddii kale uu wakhtigiisa ku dhammaysan doono caasimada France.

Madaxweyne Tebas ayaa yidhi “Aragtida suuqa, Neymar waxa uu ku hawl-gabi doonaa PSG haddii uusan hoos u dhigin mushaharkiisa iyo sidoo kale waxyaabaha ay PSG ku sheeganayso”.

“Dhibaatada ah inuusan haatan soo laaban waa inay samaysaa ka bixitaankiisa PSG, Waxa uu ahaa heshiis aan suuqa ka jirin, Waxa uu kaliya ahaa mid suurogalaya haddii ay kuwa hantiilayaasha ahi kordhiyaan maal-gashiga”.

“Marka aad heshiis ku samayso meel ka baxsan suuqa (Lacago aad u badan) waa wax aan suurogal ahayn inaad markale qiimahaas ku iibiso”