Neymar Oo Lagu Hor Ceebeeyay Ciyaartoyda Kooxda Paris Saint-Germain Ka Dib Canaan Kulul Uu Kala Kulmay Agaasime Leonardo

Xiriirka u dhaxeeya weeraryahanka reer Brazil Neymar iyo agaasimaha kooxda Paris Saint-Germain Leonardo ayaa gaaray meel aan ka soo laabasho laheyn.

Sida ay sheegtay jariirada Isbaanishka ee Sport, Leonardo ayaa waxa ay isku dhaceen xiddiga reer Brazil iyagoo horjooga dhamaan ciyaartoyda kooxda Isniintii la soo dhaafay. Neymar ayaa ka soo daahay tababarka kooxda, waxaana qolka labiska ugu tagay Leonardo kaasoo ku hor canaantay ciyaartoyda kale si uu tusaale uga dhiga.

Leonardo ayaan waxba ceshanin isagoo u tilmaamay Neymar waxa ay tahay inay qabto wixii haatan ka danbeeya. Waxaana hadalka Leonardo la sheegay inuu u dhawaa midkii uu dhawaan wareysiga ku yiri madaxweyne Al-Khelaifi ee ahaa in kooxda aysan u dulqaadan doonin in cidna ay ixtiraamdarro u muujiyo.

SIDOO KALE AKHRISO:  Real Madrid Mise Barcelona? Kadib Go'aankii Ay PSG Ku Shaacisay In Neymar Jr Baxayo, Halkuu Ku Dhamaysan Doonaa?

Agaasimaha kooxda ayaana Neymar ceebeystay isagoo ku hor canaantay xiddigaha kale ee kooxda.

Leonardo ayaa doonayay inay qof walba oo kooxda joogta ogaato in wixii haatan ka danbeeya si siman loola dhaqmi doono, inaysan jiri doonin ciyaartoy si gaar ah loola dhaqmo ama xiddigo ka sareeya kuwa kale.

Neymar ayaa sidoo kale la filayaa in ganaax lacageed oo weyn la duldhigo madaama uu ka soo daahay tababarka kooxda.

Leonardo ayaa xusuusiyay ciyaartoyda kale ee kooxda in intii ay iyagu tababarka joogeen in Neymar uu isagu shaqsi ahaan go’aansaday inuu isbuuc kale fasax ku maqnaado inkastoo uu dhaawac ku seegay Copa America.

SIDOO KALE AKHRISO:  Cristiano Ronaldo Oo Guuldaro Kala Kulmay Da'yarka Daliisa Ee João Felix, Iyo Da'yarka Oo Muujiyay Sababtii Lacagta Waalida Ah Looga Bixiyay.

Fariinta cusub ee PSG ayaa ah in wax walba meel cusub laga soo bilaabo, haddii uu jiro ciyaaryahan aan ku qanacsaneyn qorshaha kooxda uu albaabka u furan yahay.

Sport waxay xustay in markii Neymar la canaanayay inaysan joogin saxiibadiisa ugu dhow kooxda iyo xiddigaha waa weyn sdia Thiago Silva, Marquinhos, Edinson Cavani iyo Angel di Maria.