Neymar Jr Oo Si Toos Ah Telefoon Ugala Hadlay Neymar Jr Iyo Sababta Oo Aan Farxad Galinayn Jamaahiirta Man United Iyo Barcelona.

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda PSG ee Neymar Jr ayaa dhexda ka soo galay khilaafka uu Pual Pogba kula jiro macalinka kooxdiisa Man United ee Jose Mourinho wuxuuna Neymar si toos ah telefoon ugu diray Pual Pogba oo ay saxiibo dhaw yihiin.

Neymar Jr ayaa Pual Pogba kala hadlay haddii uu ka baxayo Manchester United wuxuna waydiiyay haddii uu baxayo oo aanu United ku faraxsanayn in uu PSG kula soo biiri karo. Neymar Jr iyo Pual Pogba ayaa la sheegay in ay xidhiidh dhaw leeyihiin oo ay saaxiibo yihiin.

Laakiin warkan ayaan ahayn mid ay soo dhawaynayaan jamaahiirta kooxaha Manchester United iyo Barcelona iyada oo xidiga ree Brazil ee Neymar Jr uu bilaabay olole uu ku doonayo in uu Pogba kaga leexiyo Barcelona  iyada oo jamaahiirta Man United diidan in Neymar uu saamayn ku yeesho Pogba oo aan xaalad fiican kooxdooda ugu jirin.

Jaamaahiirta Man United ayaa doonaya in Mourinho uu meesha ka baxo halkii uu Pogba kooxdooda ka dhaqaaqi lahaa waxayna Neymar Jr ku diidan yihiin in uu xalaada xun ee Pogba ku jiro uu kooxdiisa PSG ugaga faa’iidaynayo.

Barcelona ayaa markii hore ahayd kooxda kaliya ee sida wayn loola xidhiidhinayay Pogba iyada oo waliba la filayo in haddii uu Mourinho sii joogo ilaa bisha January in Pogba uu maamulka kooxdiisa Man United ku qasbi doono in loo ogolaado in uu Barcelona ku biiro balse Neymar ayaa doonaya in uu PSG ku afduubo.

Laakiin xaalada Pual Pogba oo sii xumaatay ayaa la filayaa in ayna ka soo rayn doonin ilaa inta uu Jose Mourinho joogo iyada oo hadda PSG noqon kara koox Barcelona kula tartami karta saxiixa Pogba inkasta oo ay UEFA cadaaadis kala kulmayso.