Neymar Jr Oo Muuqaalkan Ku Gil Gilay Baraha Bulshada, Cadhada Ay PSG Ka Qaadayso Farxada Jamaahiirta Barcelona.

Xidiga xulka qaranka Brazil ee Neymar Jr ayaa qaaday talaabo kale oo cadho wayn ku abuuraysa maamulka kooxdiisa PSG kadib markii uu muuqaal yar oo aad u kooban uu ku gil gilay baraha bulshada isla markaana uu kaga farciyay Barcelona.

Ma aha wax muuqaal wayn ah laakiin fariinta uu xambaarsan yahay ayaa noqotay mid keentay in dareen xoogan uu bixiyo isla markaana ay cadho wayn ka dhex abuuri doonto maamulka sare ee kooxdiisa PSG.

Neymar Jr ayaa iska diiday in uu ka soo xaadiro tababarkii kooxdiisa PSG waxaana loo sheegay in lagu ganaaxi doono lacag dhan 375,000 kun oo yuro balse ujeedada uu leeyahay ayaa lacagta ka wayn wuxuuna doonayaa in uu Barca ku soo laabto.

Muuqaaka uu Neymar Jr cadhada kaga abuuranayo maamulka kooxdiisa PSG ayaa ah 6 ilbidhiqsi oo kaliya wuxuuna ku bilaamayaa isaga oo xidhan garanka ama maaliyada kooxda Barcelona, waxaana muuqaalka kula jira aabihii.

Kadib waxaa muuqaalka loo dhaqaajinayaa fariin qoraal ah oo la sheegay in si toos ah looga soo qaaday kitaabka baybalka.Inkasta oo aan wali la ogayn sababta dhabta ah iyo ujeedada uu Neymar muuqaalkan ka lahaa, haddana in uu maaliyada Barca xidhan yahay ayaa markiiba fahan bixisay.

Aabaha dhalay Neymar Jr oo muuqaalkan uu wiilkiisu ku soo daray ayaa hore u muujiyay sida uu uga cadhaysan yahay maamulka kooxda PSG kadib markii ay war saxaafadeed ka soo saareen maqnaanshihii xidiga reer Brazil ee tababarkii ugu horeeyay.

Haddii ay maamulka kooxda PSG muuqaalkan cadho iyo dagaal cusub ka qaadi doonaan, waxaa si wayn looga soo dhawaynayaa Camp Nou iyada oo taageerayaasha Barcelona ay arintan ku tilmaameen in Neymar uu hadda jilbaha ku socdo oo uu kooxdooda baryayo in ay soo celiyaan.

Neymar Jr ayaa muuqaalkan 6 seconds ah waxa uu soo dhigay bartiis Instagram taas oo keentay in ay su’aalo iska waydiinayso warbaahinta caalamku waxaana markiiba loo fasirtay arin la xidhiidha dadaalka uu ku doonayo in uu PSG ugu qanciyo in Barca laga iibiyo.

Kooxaha Barcelona iyo PSG ayaa wada xaajoodyo yeeshay inkasta oo aan ilaa hadda horumar laga samayn xaalada Neymar waxaana jira warar sheegaya in khamiistii ay maamulka Barca la kulmeen wakiilada Neymar.

Halkan ka daawo muuqaalka yar ee uu Neymar Jr baraha bulshada ugu qasbay in ay ka hadlaan kaas oo maaliyada Barcelona ku bilaabanaya.

Sida muuqada Neymar Jr ayaan hadda u joojinayn maamulka kooxdiisa PSG waxaana la filayaa in uu si furan mustaqbalkiisa uga hadli doono taas oo xaalada sii kala cadayn karta.