Neymar JR Oo Markii Ugu Horraysay Qirtay In Uu Istuurkii Uu Eedaynta Badan Kula Kulmay Ka Badbaadiyay Iyo Balan Uu Ku Qaaday In Uu Isbadal Samaynayo

Garabka kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka qaranka Brazil ayaa markii ugu horraysay ka hadlay eedaymihii uu kula kulmay tartankii koobka aduunka ee lagu soo af-meeray dalka Ruushka dhawaan, Neymar ayaa lagu eedeeyay inuu si ula kac ah dhulka isugu tuuro iyadoo dhinaca kale loogu maadsaday inuu yahay Aktar ama Jilaa ku fiican istuurista.

Neymar JR oo xagaagii hore lacag rekoodh ah ugu biiray kooxda ree France ee PSG ayaa gabi ahaanba ku fashilmay inuu xulkiisa Brazil ku hoggaamiyo tartankii ka qabsoomay dalka Ruushka, Selecao oo markii hore kamid ahaa xulalka ugu cad cad ee hanashada Koobkaas ayaa wareegii 8-da ku hadhay iyagoo dhibane u noqday xulka Belgium.

Neymar ayaa qirtay in mararka qaarkood uu ka badbadiyo isagoo dhinaca kale sheegay inuu wali yahay wiil yar oon baran sida loola macaamilo dhibaatooyinka soo wajaha, 26 ayaana ugu horrayn yidhi “Waxa laga yaabaa inaad moodan inaan ka badbadiyo, Mararka qaarkood waan sameeyaa laakiin xaqiiqda ayaa ah inaan ku dhibtoodo garoonka dhexdiisa, Wax fikrad ah kama haysataan waxa aan la kulmo markaan garoonka ka baxo”

“Marka aan baxo anigoon saxaafada la hadal micnaheedu maaha inaan kaliya guusha jecelahay laakiin waxay tahay inaanan wali baran sida dadka loo niyad jabiyo, Markaan u muuqdo mid anshax xun micnaheedu maaha inaan ahay wiil yar oo qasan balse waxay tahay inaanan baran sida loola macaamilo dhibaatooyinkayga”

Neymar JR ayaa tartankii koobka aduunku uu u ahaa mid aan isaga u fiicnayn waxa sidoo kale xusid mudan inuu xilli ciyaareedkii hore dhibane u noqday dhaawac uu mudo bilo ah garoomada kaga maqnaa, Neymar ayaana dhawan si lama filaan ah looga waayay liiska 10-ka xiddig ee ku loolamaya abaalmarinta xiddiga sanadka ee ‘FIFA The Best’