Neymar JR Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Wararka Sheegaya Inuu Ka Baxayo Kooxdiisa PSG Isla Markaana Uu Ku Biiri Doono Kooxaha Manchester United & Real Madrid Midkood.

Garabka xulka qaranka Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar JR ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixiyay wararka sheegaya inuu faarujin doono kooxdiisa isla markaana uu ku biiri doono kooxaha Manchester United iyo Real Madrid midkood.

Neymar ayaa xagaagii hore lacag rekoodh ah oo 200 oo milyan ah ugu wareegay kooxda ree France waxaana dhawaanahan soo badanayay wararka la xidhiidhinaya kooxaha Red Devils iyo Los Blancos oo la sheegay inay mushaharo waaliya ku soo jiidanayaan Neymar,

Haddaba Neymara ayaa si aan gabasho lahayn uga jawaabay wararkaas isaga oo sheegay iney cadho galiyaan wararkaasi isla markaana uu kaliya diirada saarayo koobka aduunka iyo sidii uu xulkiisa Samba ugala qayb gali lahaa tartankaas.

Neymar ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Suuq kasta waa sidan, Waxa jira waxyaabo badan, Anigu ma joogo wakhtigii aan waxyabahas ka hadli laha”

“Qof kasta wuu ogyahay waxaan halkan u imid inaan qabto, Ujeedooyinkaan leeyahay, Ujeedadaydu imika waxay tahay koobka aduunka balse maaha inaan ka hadlo suuqa kala iibsiga, Way i cadho galinaysa imika”

Warkan ayaa wadne xanuun ku noqonaya kooxaha Manchester United iyo Real Madrid iyo waliba koox kasta oo ku hamiyayasay soo xero galinta 25-jirkan ree Brazil.