Neymar Jr Oo Markale Laga Saaray Liiska Ciyaartoyda PSG Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsga Ee Ay Caawa Wargaysyada Yurub Qoreen.

Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda
Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Habeen wanaagsan ama waqti kasta oo aad joogto oo wacan, akhristayaasha sharafta iyo xushmada naga mudanow ku soo dhawaada barnaamijka wargaysyadu waxay qoraan iyo wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ee ay caawa qoreen wargaysyada Yurub.

Kooxaha Premier League ayuu waqtigu ka ordayaa maadaama oo suuqa kala iibsiga England uu xidhmi doono maalin ka hor bilawga xili ciyaareedka cusub ee Premier League kaas oo hadda culays ku abuuraya kooxaha saxiixyada muhiimka ah suuqa ugu jira.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabihii ay caawa ka qoreen wargaysyada Yurub.


París Saint Germain ayaa liiska kooxdeeda ka saartay Neymar Jr ee kulankooda labaad ee saaxiibtinimo, wuxuuna xidiga bixitaanka doonaya ee Neymar ee markale seegay kulanka ay PSG la ciyaarayso kooxda Nürnberg. (Sport)

Tababaraha kooxda París Saint Germain ee Thamas Tuchel ayaan liiska ciyaartoyda kooxdiisa ku soo darin Neymar Jr ee kulanka Nurnberg iyada oo xaalada xdiga reer Brazil ee PSG ay wali cirka ku shareeran tahay.

Neymar Jr ayaa shan maalmood ka hor ku soo laabtay xarunta tababarka kooxdiisa kadib markii uu muddo hal usbuuc ah uu kaga maqnaa si bilaa ogolaansho ah,wuxuuna markale caawa seegay kulanka ay PSG la ciyaarayso kooxda Nürnberg.

SIDOO KALE AKHRISO:  Zidane Oo Ka Tagay James Rodriguez, Gareth Bale Iyo Mariano Safarka Ay Real Madrid Ku Aaday Austria

Kooxaha Barcelona iyo PSG ayaan wali wax is afgarad ah ka gaadhin wada xaajoodkii ay ku doonayeen in ay Neymar Jr iyo ciyaatoy kale oo ku lug leh ay isku dhaafsadaan. (Sport)

Arsenal iyo kooxda St Étienne ayaa si buuxda iskula dhamaystiray wax walba oo ku saabsan faah faahinta heshiska uu difaaca William Saliba ugu soo biirayo Gunner wuxuuna tijaabada caafimaadka ee kooxda Arsenal uu mari doonaa talaadada markaas oo kadib heshiiskiisa si rasmi ah loogu dhawaaqi doono. (RMC Sport)

RASMI: Kooxda xagaagan sida wayn suuqa kala iibsiga ciyaartoyda uga dhex muuqata ee AS Roma ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay kooxda Fiorentina kala soo wraeegtay Jordan Veretout waxayna marka hore ku soo qaadatay heshiis amaah ay hal miyan yuro ka so bixiyeen iyaga oo xagaagan 17 milyan si rasmi ah ugula saxiixan doona.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Arsenal Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Xaalada Daafaca Ay Dhaawaca Kusoo Iibsatay Ee Keiran Teirney - Goorma Ayuu Garoomada Kusoo Laaban Doonaa?

Tottenham ayaa isku dayaysa in ay kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ay ka hor joogsato xidiga khadka dhexe ee Christian Eriksen waxayna Spurs doonayaan in ay xidiga reer Denmark heshiis cusub ka saxiixdaan waxaana la soo hor dhigayaa heshiis cusub oo si wayn sare loogu qaadi doono mushaarka uu hadda todobaadkii ku qaato 80,000 kun gini. (Daily Mail)

Manchester United  ayaa iska diiday dalab €60 milyan yuro ku qiimaysnaa oo ay koxda Inter Milanka soo gudbisay gool dhaliyaha reer Belgium ee Romelu Lukaku iyada oo United Lukaku ku doonaysa ugu yaraan 75 milyan yuro. (SkySports)

Da’yarka kooxda Chelsea ee Ethan Ampadu ayaa ka gudbisay tijabaada caafimaadka kooxda horyalaka Bundesliga ka dhisan ee RB Leipzig oo uu heshiis amaah ah ugu biirayo (Sky Germany)

Difaaca bidix ee liiska kooxda Tottenham laga saaray ee Danny Rose ayaa naftiisa u bandhigay kooxda Barcelona laakiin Barca ayaan qorshaynayn in ay difaaca reer England la saxixiato .( SPORT)

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Kooxda Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Dhamaystirka Difaacii Chelsea Ee David Luiz Iyo Lambarka Uu Qaatay Oo La Shaaciyay.

Tababare Maurizio Sarri ayaa qiray in uu aad u jecel yahay xidiga Man United in uu ka baxo doonaya ee Pual Pogba laakiin Sarri ayaa sheegay in aanu hubin haddii ay kooxdiisa Juventus xagaagan la soo wareegi doonto Pogba.(Sky Sports)

Barcelona ayaa dib u soo celisay xiisihii ay sanadaha badan u haysay difaaca bidix ee kooxda Bayern Munich ee David Alaba waxayna Barca bartilmaameedka kowaad ee difaacayada ay doonayso ka dhigatay Alaba.( ESPN)

Kooxda PSG oo xagaagan badashay qorshihii suuqa kala iibsiga kooxdeeda ayaa ku dhaw in ay la soo saxiixato xidiga xulka Senegal iyo kooxda Everton ee  Idrissa Gueye. Heshiiska shaqsiga ah ayaa la sheegay in ay PSG la gaadhay Gueye base ay dalab 30 milyan ah u diri doonto Everton. (L’Equipe).

Liverpool ayaa dalab ka gudbisay difaac danbeedka kooxda Augusburg ee Philipp Max kaas oo ay Reds doonayaan in uu la tartamo difaaca bidix ee Andy Robertson kadib bixitaankii Alberto Moreno(Sport)