Neymar Jr Oo Khaatin Ka Taagan Nooca Tababarka Uu Bixiyo Unai Emery, Thiago Silva Iyo Dani Alves Oo Aan Sidoo Kale Ku Faraxsanayn Emery.

Kooxda PSG ayaa haddaba la kulmaysa wixii ay ka cabsi qabtay oo ahaa in Neymar Jr uu la shaqayn kari waayo Unai Emery wuxuuna haddaba xidiga ree Brazil khaatin ka taagan yahay nooca tababarka uu ka helayo Emery balse Neymar ayaan ahayn xidiga kaliya ee aan ku faraxsanayn xarunta tababarka PSG waxaana Neymar xaaladan la qaba xidigaha ay isku dalka yihiin ee Thiago Silva iyo Dani Alves.

Xidhiidh  u dhexeeya Unai Emery iyo Neymar jr ayaa sii xumaanaya iyada oo xidiga ree Brazil uu ka niyadjabsan yahay tababaraha kooxdiisa oo ay hore iskugu dhaceen markii uu amar ku bixiyay in Neymar uu joojiyo kubbad uu tababar kula samaynayay ciyaartoyda kaydka ee kooxdiisa laakiin Neymar ayaa diidan muuqalada badan ee uu Emery daawadsiiyo ciyaartoyda kooxdiisa.

Neymar Jr ayaa tan iyo markii uu PSG ku biiray waxa uu dhexda ugu jiray xaalado khilaaf oo kala duwan isaga oo sidoo kale aan ku qanacsanayn qaabka uu Emery u galay xalinta khilaafkii Cavani soo kala dhex galay ee tuurista rekoodhayaasha ay PSG hesho.

Warar kale ayaa sheegaya in Neymar aanu Emery ugu faraxsanayn qaabka uu ula dhaqmo maadaama oo uu Neymar Jr doonayo in loola dhaqmo xidiga ugu muhiimsan kooxda PSG isla markaana uu doonayo in qaab khaas ah oo ka duwan ciyaartoyda kale in loola dhaqmo taas oo aanu Emery samayn.

Unai Emery ayaa la sheegay in Neymar uu u arko ciyaartoy kale oo kooxdiisa ka mid ah taas oo ay ku kala duwan yihiin waxa uu Neymar doonayo. Xidiga aduunka ugu qaalisan ayaa muddo dhawr bilood ah oo uu joogay PSG waxa uu sabab u noqon karaa in maamulka PSG iyo Emery uu iska hor keeni karo.

Laakiin Thiago Silva iyo Dani Alves ayaan sidoo kale ku faraxsanayn qaabka tababarka Emery taas oo ka dhigan in Neymar Jr uu haysto xulafada qarankiisa taas oo Emery xaalada ku sii adkaynaysa. Laakiin PSG ayaa haddaba arkaysa wixii ay ka cabsi qabtay oo ah in Emery iyo Neymar ay wada shaqayn kari waayaan.

Comments

comments