Neymar JR Mise Lautaro Martinez? Xiddiga Uu Doonayo Madaxweynaha Barcelona Ee Josep Maria Bartomeu Oo Banaanka La Keenay.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Spain ee Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay waajib ku tahay inay kala doorato xiddigaha lala xidhiidhinayo ee Lautaro Martinez iyo Neymar JR maadaama oo aysan labadoodaba lacag u wada heli karin.

Warbixintan oo lagu daabacay wargeyska ESPN ayaa lagu sheegay in madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu uu doonayo inuu kooxda kusoo celiyo Neymar oo ku dhawaad saddex sano kahor ku biiray Paris Saint-Germain balse qaar kamida madaxda kale ay doonayaan Lautaro.

ESPN ayaa sheegaya in Bartomeu marka ay noqoto saxeexa Neymar iyo qaabka loo galayo uu kalsoonida siiyay sharci yaqaanka ree Belgium ee Wouter Lambrecht si uu u eego dhammaan waxyaabaka kasoo bixi kara heshiis qabsooma.

Lambrecht ayaa Barcelona lasoo shaqaynayay ilaa sanadkii 2017 waxaana uu takhasus ku yahay arrimaha la xidhiidha UEFA, FIFA iyo xidhiidhka kooxaha Yurub.

Waax aqoon dheeri ah u leh arrimaha sharciga ayaa ESPN u sheegtay in talaabada koowaad lagu leeyahay Neymar oo ay tahay inuu dhammaysto sanadkiisa saddexaad ee qandaraaskiisa PSG kaddibna uu u sheego kooxdiisa rabitaankiisa ah inuu baxo 15-ka maalmood ee ugu dambeeya xilli ciyaareedka.

Haddiiba uu 28 sano jirkani sidan sameeyo, Paris iyo Barcelona ayaa fadhiisan doona miiska wada-xaajoodka si ay iskugu dayaan inay ka heshiiyaan arrimihiisa, Heshiis dhex mara labada dhinac ayaan ahayn mid suurogalay xagaagii hore.

Barcelona ayaa samaysay dalabaad noocyo badan sida inay marka hore amaah ku qaadato Neymar, Inay heshiis lacag iyo ciyaartoy ah isku darto iyo inay lacagta qayb qayb u bixiso balse PSG ayaa dhammaan dookhyadaas diiday.