Nemanja Matic Oo Laga Saaray Safka Xulka Serbia U Matalaya Kulamada UEFA Nations League & Xiddigan Oo Seegi Kara Kulanka Muhiimka Ah Ee Chelsea

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Nemanja Matic ayaa xaalada kusii xumayn kara kooxdiisa oo haatanba dhibtoonaysa kaddib markii sababo dhaawac looga reebay xiddigaha xulka qarankiisa Serbia ee isku diyaarinaya kulamada qaramada ee tartanka UEFA Nations League.

Man United ayaa xaqiijisay in Matic uu kusoo laaban doono xarunta kooxda si uu u qaato daawooyinka uu dhaawacan kaga kabanayo waana sheeko cusub ee werwer ku abuurayna taagerayasha kooxdaas maadaama oo uu xubin muhiim ah ka yahay safka kooxda.

Haddii uu dhaawaca 30 jirkani noqdo mid halis badan waxa suurogal ah inuu gabi ahaanba seego kulanka ay 20-ka bishan booqan doonaan kooxdiisii hore ee Chelsea ciyaar lagu balansan yahay Stamford Bridge.

Matic ayaan ahayn xiddiga kaliya ee ka tirsan kooxda Jose Mourinho ee sababo dhaawac looga reebo xulalka qaranka maadaama oo hore liiska xulka England looga saaray Luke Shaw kaas oo isagoon taam buuxa ahayn ka baxay kulankii Newcastle United.

Xaalada dhaawacyada ee kusoo korodhay Red Devils ayaa ah mid sii xumayn karta xaalada cakiran ee ka taagnayd gudaha Old Trafford tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkan.