NASIIB-XUMO: Paris Saint-Germain Oo Nasiib Xumo Haysato & Xiddigii Dhaawaca Kasoo Laabtay Ee Marco Verratti Oo Markale Dhaawacmay Maalmo Kahor Kulanka Man United.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa ah mid nasiib xumo dhinaca dhaawacyada ahi lasoo deristay waxaana maalmo kahor kulanka xasaasiga ah ee ay Old Trafford ku booqan doonaan kooxda Manchester United markale dhaawac gaadhay Marco Verratti.

Sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay Verratti ayaa maalmo kahor uun kusoo laabtay tababarka kooxdiisa balse tababare Thomas Tuchel ayaa shaaciyay inuu dhaawac kale oo dib u dhac ku ah kooxda uu markale ku dhibtooday.

Jamaahiirta kooxda ayaa si weyn ugu faraxsanaa in 26 jirkani uu Isniintii kusoo laabtay tababarka buuxa oo uu ka qayb noqon doono kooxda Manchester u safri doonta balse midaas ayaa haatan halis ku jirta.

SIDOO KALE AKHRISO:  Cristiano Ronaldo Oo Si Lama Filaan Ah Oo Maldahan U Shaaciyay Waqtiga Uu Ciyaaraha Ka Fariisan Karo - Waa Waqti Dhow

Verratti ayaa seegay guushii ay xalay kooxdiisu wakhtigii dheeriga ahaa ka gaadhay kooxda Villefranche oo ay kulan kuwada ciyaarayeen tartanka Coupe De France.

Kulanka kaddib ayuu Tuchel sheegay in Marco ay ku adkaatay inuu tababarka dhammaysto isla markaana ay u baahan doonaan wakhti dheeri ah si ay u ogaadaan heerka khatarka dhaawacan cusub.

Tababaraha ree Germany ayaa yidhi “Marco Verratti tababarka ma uusan dhammaysan karayn shalay, Waxa uu qabay dhibaatooyin”

“Waa inaan sugo ilaa berri si aan u go’aansado haddii uu kahor tagi karo Bordeaux, Dhibaatadiisa cusubi waa wax kale, Laakiin anigu waxbadan ma ogi”

PSG ayaa soo dhawayn doonta Bordeaux maalinimada Sabtida kahor inta aysan booqan Old Trafford saddex maalmood kaddib.