Nagala Wareega!! Mid Kamida Daafacyada Mustaqbalka Wanaagsan Ee Tottenham Oo Saxeexiisa Loo Bandhigay Barcelona & Sababta Ku Qasbi Karta Inay La Saxeexdaan

Sida ay sheegayaan qaar kamida saxaafada kubadda cagta ee dalka Spain, daafaca dhexe ee kooxda Tottenham ee Juan Foyth ayaa saxeexiisa loo bandhigay kooxda hoggaaminaysa horyaalka La Liga Barcelona.

22 sano jirkan ree Argentina ayaan ahayn mid xilli ciyaareedkan fursad buuxda ka helay shaxda kooxdiisa isaga oo dhammaan tartamada oo dhan kaliya toddoba kulan kasoo matalay kahor intii aan kubadda cagta loo joojin sababta virus-ka Korona.

Kaddib fursad la’aanta ku haysata Tottenham Hotspur Stadium, Juan Foyth ayaa iskaga bixi kara kooxdiisa, sida uu sheegayo wargeyska Mundo Deportivo saxeexa da’yarkan ayaa loo bandhigay Barca.

Sababta Barcelona ku qasbi karta inay si dhab ah u qiimayso saxeexa Foyth ayaa ah haddii ay kooxdeeda ka tagaan xiddigaha daafaca dhexe ee Samuel Umtiti iyo Todibo oo labadaba si xoogan loola xidhiidhinayo bixitaan suuqa xagaaga.

Juan Foyth ayaan si lamid ah tababarihii shaqada ka tagay ee Mauricio Pochettino wali helin kalsoonida tababarihiisa haatan ee Jose Mourinho, tan iyo bilawgii 2020, da’yarkan ayaan kusoo bixin liisaska kulamada ee kooxdiisa ee Champions League iyo Premier League.

Xilli ciyaareedkii hore ayaa ahaa mid uu Foyth fursad ahaan sidan ka wanaagsanaa maadaama oo uu 17 kulan kasoo hoos muuqday tababare Pochettino.

Ugu dambayn, Foyth ayaa sanadkiisii saddexaad ku qaadanaya Tottenham kaddib markii uu sanadkii 2017 lacag 8 Milyan oo pound ah ugaga soo biiray dhinaca kooxda Estudiantes.

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook