NADIIFIN: Tababare Jurgen Klopp Oo Si Balaadhan U Nadiifin Doona Safka Kooxdiisa Liverpool & TODDOBA Xiddig Oo Albaabka Anfield La Tusi Doono Xagaagan Oo La Ogaaday.

Wargeyska caanka ka ah dalka England ee The Mirror ayaa banaanka keenay qorshayaasha suuqa kala iibsiga xagaagan ee kooxda Liverpool gaar ahaan midka ay ku nadiifinayso safkeeda ee ay kaga fasaxayso ciyaartoyda aan muhiimada weyn lahayn.

The Mirror ayaa aaminsan in seeftu inta ug0u badan qaadi doonto xiddigaha daafaca uga dheela kooxdaas kuwaas oo laga fasixi doono tiroba saddex daafac.

Xiddiga ugu horreeya ee la filayo inuu faarujiyo Anfield ayaa ah goolhaye Simon Mignolet kaas oo  mudo dheer soo joogay kooxda balse haatan u muuqda mid booskiisii si rasmi ah ugu waayay goolhaye Alisson Becker kaas oo wacdarro dhigaya.

Dhinaca kale xiddigaha baxaya ayay kamid yihiin labada daafac ee garbaha ee Alberto Moreno iyo Nathaniel Clyne, Moreno ayaa booskiisa u waayay Robertson kaddib joogtayn la’aan ciyaartiisa ah halka Clyne uusan si buuxda uga soo kaban dhaawac ku habsaday isla markaana booskiisii uu la wareegay Trent Alex Arnold.

Daafaca ree Cameroon ee Joel Matip ayaa sidoo kale kamid ah xiddigaha la filayo in la diro maadaama oo uu ka dambeeyo Joe Gomez iyo Dejan Lovern.

Adam Lallana ayaa sidoo kale liiskan soo galay, Xiddigan ayaa door muhiim ah ka lahaa kooxda sanadkii ugu horreeyay ee Jurgen Klopp balse gabi ahaanba booskiisa waayay kadib dhaawac dhibaato xun u geystay.

Ugu dambayn, Xiddigaha weerarka ee Divock Origi iyo Daniel Sturridge ayaa la filayaa inay faarujiyaan Anfield maadaama oo ay aad ugu dhibtoodeen inay booska kala baxaan saddexleyda weerar ee Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Mohamed Salah.