Tobanka Shaqsi Ee Sportska Caalamka Ficiladooda Loogu Neceb Yahay Oo Cod Lagu Go’aamiyay? Halkay Sergio Ramos & Luis Suarez Ku Jiraan?

Marka ay noqoto jacaylka ama nacaybka shaqsi Sportska caalamka ku dhex jira ay taageerayaasha aduunku u hayaan waa mid gabi ahaanba kala duwan waxaana jira shaqsiyaad taageero badan hela iyo kuwo nacayb badan ku kasbada ficilo ay sameeyaan.

Inkasta oo aan laysku raacsanayn dabeecadaha iyo dhaqamada ay tahay in shaqsi ciyaaraha kala duwan ku dhex jira lagu naco, haddana waxaa jira waxyaabo guud oo shaqsiga ay ku sifoobaan ay hubaal tahay in uu nacayb badan kala kulmo dadka aan taageeraha u ahayn.

Haddii maanta lagu waydiin lahaa in aad u codayso tobanka shaqsi aad ee guud ahaan Sportska aduunka ugu neceb tahay waxaa suurtogal ah in ay noqon karto su’aal aan markiiba lala soo boodi karin marka laga yimaado in koox aad taageerto kooxaha ka soo horjeeda aanad ciyaartoydooda jeclayn.

Haddaba ESPN ayaa taageerayaasha ciyaaraha kala duwan ee caalamka waxay u bandhigeen in ay u codeeyaan shaqsiyaadka kala duwan ee ciyaaraha caalamka ay dhaqanka ay sameeyaan uu necaybka ugu badan u keenay.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa natiijada ka soo baxday codbixinta ESPN iyo waliba tobanka shaqsi ee loogu codeeyay kuwa loogu neceb yahay sportska caalamka iyada oo waliba aanu mid walba kaalinta uu galay sheegi doono.

Guud ahaan todoba shaqsi oo ka mid ah 10 ka loogu neceb yahay sportska caalamka ayaa noqday kubbada cagta halka laba ka mid ahi noqdeen feedhyahano waxaana ku jira hal shaqsi oo Cricket-ka loogu neceb yahay.

Haddaba halkan kaga bogo liiska tobanka shaqsi ee Sportska caalamka loogu neceb yahay iyada oo aanu liiska ka bilaabi doono ciyaartoyga kaalinta 10 aad galay ilaa laga soo gaadhayo xidiga loogu codeeyay kan loogu neceb yahay ee kaalinta 1 aad galay.

10-Roy Keane- Kubbada Cagta

Kabtankii hore ee kooxda Manchester United ee Roy Keane ayaa kaalinta 10 aad ka galay shaqsiyaadka Sportska caalamka loogu neceb yahay wuxuuna noqday kan tobnaad ee codka ugu badan helay markii dadka la waydiiyay shaqsiyaadka ay ugu neceb yihiin.

Roy Keane ayaa lagu xusuustaa dabeecad xumadii iyo dhacdooyinkii badnaa ee uu garoomada kubbada cagta ka soo sameeyay isaga oo ciyaartoy ah iyo isaga oo shaqo tababare ama ku xigeen haya.

Roy Keane waxa uu hadda tababare ku xigeen ka hayay kooxda Nottingham Forest isaga oo la shaqeeya tababare Martin O’Neill laakiin marka ay noqoto shaqsiyaadka ugu adag kubbada cagta ayuu ka mid yahay isaga oo waliba maalmihii uu garoomada ka ciyaari jiray rabshad badan lahaa.

9-Diego Maradona- Kubbada Cagta

Halyaygii hore ee xulka qaranka Argentina ee Diego Maradona ayaa loogu codeeyay shaqsiga labaad ee loogu neceb yahay Sportska caalamka wuxuuna ka mid ah noqday shaqsiyaadka loogu neceb yahay.

Inkasta oo uu Maradona taageero waali ah aduunka ku lahaa waqtigii uu ciyaarayay, haddana inta badan jiilka maanta jooga ee codbixinta laga qaaday waxay ku caqliyaysteen Diego Maradona oo sida uu doono u dhaqma isla markaana aan waxba reeban.

Waraysiyada uu bixiyo, dhacdooyinkii uu ka sameeyay koobkii aduunka ee Russia 2018 iyo waxyaabo badan oo isbiirsaday ayaa keentay in Maradona loogu codeeyay shaqsiyaga 9 aad ee Sportska caalamka loogu neceb yahay.

8-David Warner-cricket-ka

David Warner oo ka tirsan kooxda xulka qaranka Australia ee cricket-ka ayaa loogu codeeyay shaqsiyaga 8 aad ee Sportska oo dhan loogu neceb yahay wuxuuna noqday xidiga kaliya ee ka ciyaara cricket-ka ee liiskan ku soo baxay.

David Warner oo 32 sano jir ah ayaa helay codkii ugu badnaa ee nacayb ah ee helay xidig ka tirsan cricket-ka wuxuuna qayb ka noqday tobanka shaqsi ee Sportska caalamka loogu neceb yahay.

Riix 2,3,4,5 Si aad shaqsiyaadka sportska loogu neceb yahay iyo xogtooda u ogaato.