Naby Keita Oo Wakiil Isku Bedelaya, Ciyaartoy Ay Liverpool Mudo Dheer Doonaysay Oo Uu Anfield Kusoo Jiidayo & Hadalkii Uu Kaga Farxiyay Jamaahiirta.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Naby Keita ayaa doonaya inuu wakiil u noqdo kooxdiisa kaddib markii uu xusay inuu jeclaan lahaa inuu Anfield kula soo midoobo Timo Werner oo ay RB Leipzig saaxiibo dhaw ku ahaayeen isla markaana ay Liverpool doonaysay.

Labadan ciyaartoy ayaa laba sano oo guuleystay kusoo wada qaatay Leipzig waxaana uu mudadaas Werner ku guuleystay inuu noqdo weeraryahanka dookha koowaad ee xulkiisa Germany.

Haddaba, Keita oo ay isku mar Werner u wada saxeexeen Leipzig ayaa sheegay inuu soo dhawayn lahaa inuu Premier League dib ugula midoobo mid kamid ah asxaabtiisa ugu fiican issaga oo dhinaca kale xusay in haddii Werner uu bixitaan dalbado uu Liverpool kula talin doono inuu yimaado.

Naby Keita ayaa yidhi “Waxaanu ugu wada ciyaarnay si aad u wanaagsan Leipzig waxaana uu ahaa mid kamid ah asxaabtayda ugu wanaagsan, Way cadahay, Haddii uu dhaqaaqayo, Waxaan waydiin doonaa Timo inuu nagula soo biiro halkan Liverpool”

Naby Keita has insisted he would speak to Timo Werner about a possible move to Liverpool

Keita ayaa Leipzig usoo ciyaaray 71 kulan guud ahaan isaga oo soo dhaliyay 17 gool halka Werner uu rekoodh cajiib ah haysto isla markaana uu 56 gool ku diiwaan gashaday 101 kulan.

Reds ayaa suuqa xagaaga raadin karta saxeexa weeraryahan cusub maadaama oo ay waayi karaan xiddigahooda  Daniel Sturridge iyo Divock Origi iyaga oo xilli horeba Dominic Solanke 19 Milyan ka siiyay Bournemouth.