Na Caawiya!! Barcelona Oo Gar-Gaar Ka Sugaysa Man United & Qaabka Ay Red Devils Uga Qayb Qaadan Karaan In Neymar Camp Nou Ku Laabto Oo La Sharraxay.

Waxa durtaba halkooda ka bilaabmay wararka dunida kasoo daashay ee Neymar JR la xidhiidhinaya ku laabashada Barcelona iyadoo ay saxaafada caalamku haatan sharaxday qaabka ay kooxda Premier League ee Man United uga qayb qaadan karto.

Barcelona ayaa la sheegayaa inay kaliya awoodi doonto saxeexa Neymar haddii ay iibiso bar-tilmaameedka Manchester United ee Antoine Greizmann oo ay xagaagii hore uun £107 Milyan kula soo saxeexatay.

Greizmann ayaa xilli ciyaareedkan kaliya siddeed gool oo horyaalka La Liga ah usoo dhaliyay Barca, Wargeyska Ok Dario ayaa shaaca ka qaaday in tababare Quique Setien isku dayi doono inuu £93 Milyan ku iibiyo xagaaga.

Dhinaca kale Man United ayay ka go’antahay inay samayso saxeexa weeraryahan cusub kaddib markii ay ku fashilmeen inay keensadaan bedelka Romelu Lukaku oo Inter Milan u wareegay.

Xaqiiqada ah in United ay weeraryahan cusub doonayso iyo inay Barca doonayso iibka 29 jirkeeda si ay uga badbaado sharciga dhaqaale wanaaga Yurub ee FFP ayaa la micno ah in kooxda ree Spain ay u baahantahay garabka dhigeeda ree England.

Xagaagii hore ayay ahayd markii ay Barcelona isku day-day inay dib ula soo wareegto Neymar balse Paris Saint-Germain ayaa ku adkaysatay in haddiiba ay iibinayso ay ku fasaxayso 222 Milyan ee euro ee ay iyagu ku iibsadeen 2017-kii.

Labada kooxood ayaa ugu dambayn ku fashilmay inay wax heshiis ah isla meel dhigaan, Barca ayaan doonayn bixinta lacagtaas halka PSG ay soo diiday dalabaad dhawr ah oo ciyaartoy iyo lacag la isku daray ka koobnaa.