Muxuu Yahay REKOODHKA Weyn Ee Uu Xalay Cristiano Ronaldo Ka Bar-Bareeyay Lionel Messi Laakiin Uu Messi Dib Ula Wareegay Daqiiqado Kaddib?

Advertisements

Haddii uu jiri lahaa cinwaan loo sameeyo xifaaltanka kubadda cagta ee sanadahan ugu dambeeyay waxa hubaal ah inuu ka koobnaan lahaa magacyada Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kuwaas oo kusoo loolamayay halka ugu sarreysa ee kubadda cagta mudo sanado ah.

Iyadoo lagu jiro xilli ciyaareedka 2019-20 iyo waliba sanadka cusub ee 2020, Ronaldo iyo Messi ayaa markale halkooda kasii wada bandhigyada heerka sarre ah ee sababa inay iskugu soo baxaan fagaarayaasha ugu waaweyn.

Messi ayaa markale gool dhalin cajiib ah ku samaynaya Barcelona horyaalka La Liga halka Ronaldo uu qaab gaabis ah ku bilawday xilli ciyaareedku uu dib ugu soo laabtay shabaqa oo uu toddoba kulan oo xidhiidh ah goolal kasoo dhaliyay Serie A.

Xalay ayay ahayd markii ugu dambaysay ee xiddigahani ay min saddex dhibcood u xaqiijiyeen Juventus iyo Barcelona, CR7 ayaa laba gool ugu quus gooyay Parma halka uu Messi gool ku quusiyay Granada kuna soo dhaweeyay tababare Quique Setien.

Si kastaba, Ronaldo ayaa markale xalay qarka u fuulay inuu rekoodh ka gaadho Messi, Walow uu gaadhay kaddib goolashii Parma haddana goolkii dambe ee Messi ayaa noqday mid uu markale ku sarre maray kabtanka Barca.

Rekoodhkaas ayaa ah inay isku haystaan ahaanshaha xiddiga ugu goolasha badan shanta horyaal ee ugu waaweyn qaarada Yurub oo uu haatan Messi kaliya hal gool ku gacan sarreeyo.

Daqiiqado kaddib labadii gool ee Ronaldo ee xalay oo ahaa kuwo uu markaas uun ku barbareeyay rekoodhkan ayuu Messi gool xilli dambe ah ka dhaliyay Granada kaas oo hoggaanka dib ugu soo celiyay.

Ronaldo ayaa 536 kulan oo uu ka ciyaaray horyaalada Premier League, La Liga iyo Serie A uu kusoo dhaliyay 432 gool halka halka Messi 467 kulan oo uu La Liga ka dheelayay uu soo dhaliyay 433 gool.

Advertisements