Muxuu Yahay Qorshaha Cusub Ee Ay Real Madrid Ku Dooneysay Inay Kula Soo Wareegto Paul Pogba?

Real Madrid ayaa dejisay qorshe cusub oo ay kula soo wareegeyso Paul Pogba, qorshahaasna waa inay sabar muujiyaan oo ay u dhaqaaqaan saxiixiisa marka uu Man United ka xirmo suuqa kala iibsiga 8da bisha Agoosto.

Iyadoo adeegsaneysa ciyaaryahanka shaqsi ahaantiisa iyo wakiilkiisa Mino Raiola, Real Madrid waxa ay cadaadis ku saartay Manchester United inay iibiso xiddiga khadka dhexe.

Laakiin jawaabtii ka timid kooxda Old Trafford ayaa aheyd inay 180 milyan ginni ku dharbaaxeen xiddiga Faransiiska ee ku guuleystay Koobka Adduunka.

Real Madrid ayaa markii la hore la filayay inay si weyn uu doonayaan inay dhameystiraan heshiiska Pogba ka hor 8da bisha Agtoosto oo ah waqtiga uu xirmayo suuqa kala iibsiga Ingariiska.

SIDOO KALE AKHRISO:  Shaxda Rasmiga Ah Ee West Ham vs Man City – Yaa Kusoo Bilawday Kulanka Adag Ee London Stadium?

Waxaana ay taasi siin laheyd United waqti ay kula soo wareegan bedelkiisa bedelkii uu ka tagi lahaa iyadoo suuqa uu ka xiran yahay madaama suuqa kala iibsiga La Liga uu xirmayo 2da bisha September.

Laakiin sida ay sheegtay jariirada fadhigeedu yahay magaalada Madrid ee AS, Real Madrid kuma jirto degdegsiimo, waxaana ay diyaar u yihiin inay sugaan u dhaqaaqista Pogba xilli danbe suuqa kala iibsiga.

Real Madrid ayaa dooneysa inay Pogba ka bixiso 130 milyan ginni waana lacag aad uga hooseysa lacagta ay Man United ku qiimeyneyso xiddigeeda.

Wargeyska AS ayaa sheegay in Bruno Fernandes, Christian Eriksen iyo Sergej Milinkovic-Savic inay yihiin xiddigo kale oo ay Real Madrid u dhaqaaqi karto haddii lagu qaaliyeeyo bartilmaameedkooda koowaad Pual Pogba.

SIDOO KALE AKHRISO:  Ma Kubaddoo Kaliya Ayuu Eryan Yaqaanaa Mise Sidoo Kale Waa Aqoon-Yahan? Heerka Uu Waxbarashada Ka Gaadhay Lionel Messi Oo La Ogaaday!!.

Dhanka kale Real Madrid ayay u badan tahay inay waayi doonto seddex weeraryahan xagaagan oo kala ah Gareth Bale, Dani Ceballos iyo James Rodriguez.