Muxuu Vigil Van Dijk Ka Yidhi Guuldaradii Xulkiisa Holland Ka Soo Gaadhay Portugal? Iyo Ryan Babel Oo Van Dijk U Saadaaliyay Ballon d’Or.

Kabtanka xulka qaranka Netherlands ee Virgil Van Dijk ayaa niyad wanaag ka muujiyay horumarka uu xulkiisu gaadhay wuxuuna ku dooday in markii uu bilaamayay UEFA Nations League ayna ahayn wax la rumaysan karayay in ay finalka soo gaadhi karayeen.

Van Dijk ayaa qiray in ay wali maskaxdooda ku jirto murugada finalkii UEFA Nations league, laakiin waxa uu tilmaamay in ay waajib tahay in wax wanaagsan laga qaato in xulka uu hogaaminayo Ronald Koeman uu horumar ka soo sameeyay xalaadii ay ku jireen.

Ronald Koeman ayaa awooday in uu xulkiisa ka soo saaray xaaladii murugada badnayd ee ay ku seegeen u soo bixitaankii Euro 2016 iyo koobkii aduunka ee Russia 2018 wuxuuna keenay finalkii UEFA Nations league waana sababta uu Van Dijk u arko in ay horumar sameeyeen.

Dhianca kale Ryan Babel oo ay xulka Holland kawada tirsan yihiin Virgil Van Dijk ayaa saadaaliyay isla markaana Van Dijk u rajeeyay in uu noqon doono difaacii ugu horeeyay ee Ballon d’Or ku guulaysan doona tan iyo sanadkii 2006 kii wixii ka danbeeyay markaas oo uu Fabio Cannavaro abaal marintan ku guulaystay.

Ugu horayn Ryab Babel oo abaal marinta Ballon d’Or iyo Van Dijk ka hadlaya ayaa yidhi: “Waqtigii ugu danbeeyay ee aan xusuusto in uu difaac ku guulaystay Ballon d’Or waxa uu ahaa Cannavaro 206 kii, sidaa daraadeed wax aan suurtogal ahayn ma aha”.

“Waxaan filayaa in ay cadaalad tahay in uu ugu yaraan ku soo baxo liiska kooban. Waynu arki doonaa dhamaadka haddii uu ku guulaysto iyo haddii kale. Anigu waan faraxsanaan doonaa haddii uu isagu (Van Dijk) ku guulaysto” ayuu Babel u sheegay Sky Sports News.

Van Dijk oo markiisa ka hadlaya horumarka uu xulkiisa Netherlands ku hoos samaynayo tababare  Ronald Koeman ayaa yidhi: ” Anigu ma filayo in bilawgii tartabkan uu hal qofna aamini karayay haddii aanu sheegi lahayn in aanu doonanay in aanu soo gaadhno finalka, taas ayaa muujinaysa”.

“Anagu horumar badan ayaanu samaynay, dhamaan ciyaartoyda oo idil ayaa horumar badan sameeyeen, waxaa waajib nagu ah in aanu naftayada u hanwaynaano” ayuu Van Dijk u sheegay Sky Sports News.

Laakiin Virgil Van Dijk oo qiraya in ay ka murugoonayaan koobkii ku seegay finalkii UEFA Nations league ayaa yidhi: “Niyadjabku maskaxdyada ayuu ku jiraa laakiin waxaa waajib nagu ah in aanu madaxa sare u qaadno”.

In xulka Holland uu hore ugu fashilmay ka qayb galkii Euro 2016 iyo koobkii aduunka ee Russia 2018, waxay hadda hadda in ay finalka UEFA Nations League soo gaadheen uga dhigan tahay talaabo wayn oo horumar ah oo ay kaga soo kabsadeen xalaadii xumayd ee ay ku soo jireen sanadihii la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, Van Dijk ayaa xili ciyaareedkii 2018/2019 waxa uu kooxdiisa Liverpool iyo xulkiisa Netherlands ku dhamaystay iyada oo aan hal ciyaartoy gambis ku dhaafin inkasta oo uu ka hor yimid, Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Eden Hazard, Neymar Jr, Kylian Mabppe, Harry Kane, Raheem Sterling iyo xidigo badan oo kale waana sabab ka mid ah in uu Ballon d’Or u sharaxan yahay.