Muxuu Tababare Pep Guardiola Ka Yidhi Xidigii Uu Sida Wayn U Doonayay Ee Ay Chelsea Ka Afduubtay Ee Jorginho?

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa markii ugu horaysay ka hadlay saxiixii uu ku fashilmay ee Jorginho uu ku keenayay City balse ay ugu dambayn Chelsea sida cajiibka ah uga af duubatay walow Citizens ay heshiis la gaadheen kooxdu xiddigu ka tirsanaa ee Napoli.

Manchester City ayaa heshiis la meel dhigtay dhigeeda ree Talyaani ee Napoli, Heshiiskas ayaa lagu sheegay inuu ahaa 44 Milyan balse ugu dambayn xiddiga ayaan go’aan ku gaadhay inuu isaga leexdo dariiqa Pep isla markaana uu tababarihiisii hore ee Maurizio Sarri kula biiro Blues.

Balse tababare Guardiola oo lagu tilmaamo shaqsi aad u caqli badan ayaa qaab maskaxiyan ah uga hadlay heshiiskaas isagoo aan wax calool xumaan ah ka muujinin, Pep ayaa sheegay inay isku day sameeyeen balse uu ciyaartoy kasta kula talinayo inuu ku biiro kooxda uu jecel yahay.

Pep ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Maya, Ma niyad jabsani waan isku daynay, Laakiin ugu dambayn taladayda aan ciyaartoyda siinayo ayaa ah inay tagaan meesha ay rabaan, Isaga waxay ku noqon lahayd qalad anagana sidoo kale qalad ayay nagu noqon lahayd haddii uu go’aansan lahaa inuu halkan yimaado isaga oo doonaya inuu Maurizio kula biiro Chelsea”

“Sidaa darteed waa muhiim in kubadda cagta Ingiriisku ay heshay ciyaartoy cajiib ah, Ugu dambayn haddii ay doonayaan inay yimaadaan way fiican tahay, Haddii uu Chelsea ku tagay sababaha uu sharaxay ama sharixi doono kaddib wanaag oo dhan ayaan u rajaynayaa isaga”

Si kastaba ha ahaatee, Tababare Pep Guardiola ayaa muujiyay sida uusan uga xumayn in ciyaartoydu go’aankooda ku shaqeeyaan waxaana uu intaa kaddib diirada saari doona sidii uu xiddig kale oo khad dhexe ah ugu soo dari lahaa kooxdiisa, Miralem Pjanic ayaa ah xiddiga maalmihii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay inuu iman doono Etihad Stadium.