Muxuu Tababare Ernesto Valverde Ka Yidhi Halista Ay Kooxdiisa Barcelona Kala Kulmi Karto Liverpool Ee Afar Dhamaadka Champions League?

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa ka digay halista ay kooxdiisu kala kulmi karto Liverool oo ay ku balansan yihiin afar dhamaadka UEFA Champions league. Ernesto Valverde iyo kooxdiisa ayaa diyaar u ah kulanka La Liga ee ay Real Sociedad la ciyaarayaan, laakiin waxay sidoo kale ka fikirayaan labada kulan ee ay Liverpool ku wajihi doonaan semi-finalka Champions League.

Ernesto Valverde ayaa qiray in Liverpool ay halis wayn ku abuuri karto kooxdiisa Barcelona isaga oo qiray in ay wax fiican ka soo sameeyeen tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league isla markaana ay xili ciyaareedkii hore ahaayeen kooxdii finalka tartankan soo gadhay.

Ernesto Valverde oo ka hadlaya Liverpool ayaa yidhi: “Xaqiiqdii waa koox adag oo haysata weerar awood badan, taas ayaa ah waxa ay tahay. Sanadkii hore waxay joogeen finalka, sanadkana wax fiican ayay markale samaynayaan, waxay sidoo kale u dagaalamayaan Premier league. Sidaa daraadeed, xaqiiqdii waxa uu nagu nooqon doonaa kulan adag, laakiin waxa uu qof kastaba u noqon doonaa mid soo jiidasho leh”.

Inta ayna Barcelona la ciyaarin Liverpoo kulanka lugta kowaad ee afar dhamaadka UEFA Champions League waxay sii ciyaari doonaan saddex kulan oo La Liga ah oo ka bilaamaya kulanka maanta ee Real Sociedad, Alaves iyo Levante waxayna saddex guulood ku hanan karaan koobka horyaalka La Liga laakiin Valverde ayaan doonayn in uu diirada lumiyo.

Valverde oo ka hadlaya u soo bixitaanka finalka Champions League ayaa yidhi: “Waxaa goobta yaala finalka, waxaanu doonaynaa in aanu waxwalba samayno si aanu u guulaysano. Taas marka la sheego, wax walba way fiican yihiin in laga hadlo wax ku saabsan Liverpool, laakiin wali dariiq dheer ayaa ka hadhsan, xaqiiqdii kulamo muhiim ah oo La Liga ah ayaanu leenahay ka hor”.

Valverde ayaa doonaya in kooxdiisu ay wax qalad ah ka samayn saddexda kulan ee ka horeeya kulanka Camp Nou ee Liverpool si ayna xaalad xun u dhex galin oo horyaalka la Liga ah inta ay ka fikirayaan kulamada Liverpool.Haddii ay Barcelona saddexda kulan ee ka horeeya Liverpool ee horyaalka La Liga ay min saddexda dhibcood ka hesho waxay heli kartaa fursad ay kulanka Liverpool isku keeni karto iyada oo koobka La Liga ku soo guulaysatay isla markaana kulanka lugta labaad wada nasin karta ciyaartoyda kooxdeeda.